Xildhibaano ku gacan sayray amarkii uu ugu yeeray xeer ilaaliyaha guud ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku dhawaaad lix kamid ah looga yeeray xafiisk Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku gacan seyray inay tagaan magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cabdalla Cali Cabdi (Shiine) oo kamid ah Xildhibaannada loo yeeray oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed uusan wax awood ah u laheyn in uu u yeero xildhibaanada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha uu iska magacowday madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, islamarkaana aan la horkeenin si ay u ansixiyaan.

“Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed mooshin iyo soo jeedin ka timaada qaar kamid ah Xildhibaannada koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaadi karaa, sidaas si lamid ah in markii la Magacaabay waxay aheyd in lana horkeeno mana dhicin, waana sharci darro Xeer Ilaaliyaha,” ayuu yiri Xildhibaan Shiine.

Amarka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed ee loogu yeeray lixda Xildhibaan ee kamid ah Baarlamaanka maamulkaas ayaa imaneysa kadib markii shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ay ku sheegeen inay marnaba aqbali doonin muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ansixiyay 20-kii bishii April ee sanadkii 2020-ka in la isla simo muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.