Ciidan militari oo sabab yaab leh u weeraray saldhig boolis oo ku yaalla Muqdisho iyo dagaal culus oo ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa maanta weeraray Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal dhex-maray raga weerarka soo qaaday iyo ciidamadii ku sugna Saldhiga.

Wararka ayaa sheegay ain Ragga weerarka qaaday ay gaarayeen illaa lix, ayada oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan cidda ay ahaayeen, waxayna wararka qaar ay sheegayaan inay ahaayeen Ciidamo Millateri ah oo Saldhiga looga soo xiray rag saaxiibadood ah oo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iska hor-imaadka ragga hubeysan iyo ciidamada Saldhiga ayaa waxaa ku dhintay illaa Afar qof oo kala ah, labo kamid ah raggii weerarka soo qaaday iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo qof shacab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada boolisa saldhiga degmada Yaaqshiid ay nolosha ku qabteen labo kamid ah raggii soo qaaday weerarka, kuwaasi oo lagu xiray saldhiga degmada.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan weerarka maanta, ayada oo weerarkan uu noqonaya kii labaad ee noociisa oo kale ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, ayada oo ka horeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhiga booliska degmada Xamarweyne.