Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 30 xildhibaan oo maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay kudlad cusub oo ay ugu magacdareen Madashada Maslaxadda Qaranka (MMQ), waxayna soo saareen illaa afar qodob oo midkood uu yahay in xukuumadda cusub ee barito lagu wado in baarlamaanka la horkeeno aysan codka kalsoonida siin doonin.
Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka mid ah Kutladdan cusub ayaa yiri “Waxaa loo midoowbeyna waxaa weeye siyaasadan cakiran ee culeysku ka batay, baarlamaankii kudlado noqdey, guddoonkii uu xukuumaddii qoraayo , baarlamaankii oo la yiri siyaasadda kama qeybgali karo, qaabka xukuumadda loo dhisey oo awood qeybsi ahaan beelo badan ay ka maqanyihiin, oo si qaldan loo qorey , in waxaasi oo dhan laga wada hadlo oo talo laga yeesho, ayaa go’aan lagu gaaray , arrimahaasi sidii loo toosin lahaa “
Sidoo kale Xildhibaan Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa isagu dhankiisa faahfaahin ka bixiyey shirka xildhibaanada iyo waxyaabaha keeney isaga oo sheegey in xildhibaanada ku midoobey ay dhamaan yihiin kuwa aanan ka mid ahayn kudlooyinkii horey u jirey.
“Guddoonka baarlamaanka ayaa wax ka qorey xukuumadda cusub, baarlamaanka xukuumad qoroow shuqul kuma lahane qodobka 100aad iyo qodobka 90aad ayaa xukuumadda lagu dhisaa, madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarahaana iska leh, marka maadaamaa aysan sidaa ku imaanin, dadka loo dhiibeyna hiigsiga 2016-ka in aysan na gaarsiin karin laga dareemey, maadaamaa ay kuli wada yihiin dad wada cusub”
“Waxaa la go’aansaday koow in xukuumadda lasoo magacaabay kudladda MMG codka kalsoonida siineynin, in Ra’isulwasaaraha wali xilkiisa uu baaqi yahay haddii ay kalsoonida waayaan wasiiradda lasoo magacaabay, Ra’isulwasaaraha liddi kuma nihin, sedex in lala xiriiro kudladaha kale si muwaaqifta danaha qaranka loogu midoobo, in xildhibaanada kale ee aanan kudlooyinka ka mid ahayn la’isu doono, laguna qanciyo ahdaafka MMG” ayuu intaasi sii raaciyey Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow.
Si kastaba, kutladan cusub ayaa aad ugu yar labada kutlad ee kale oo marka la isku geeyo gaaray illaa 150 xildhibaan. Kudladaha kale ee baarlamaanka ayaanan wali ka hadlin aragtidooda ku aaddan xukuumadda cusub, waxaana barito la filayaa in baarlamaanka uu codka kalsoonida u qaado wasiiradda cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]