Xildhibaano soo bandhigay 7-qalad oo uu C/Weli muddo kooban sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu jiro Khilaaf xoogan oo ka dhex tolan Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare C/Weli Sheekh Axmed, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia.

Kulan aan caadi aheyn oo qaar kamid ah Xildhibaanada BF ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay uga hadleen Khilaafka labada mas’uul iyo waxyaabaha uu ka dhashay.

Xildhibaan Faadumo Cali oo kamid aheyd Xildhibaanada ka hadlay Kulanka ayaa sheegtay in labada mas’uul ay wada sameeyen arrimo dhowr ah oo sharciga aan qabin, balse ay sii kala danbi badan yihiin.

Waxa ay sheegtay in khaladaadka ugu badan uu ka imaaday dhanka RW C/Wali Sheekh kadib markii uu Ajandooyin badan la baal-maray wargalinta Xasan Sheekh iyo dastuurka dalka.

Faadumo Cali waxa ay tilmaantay in RW C/Weli uu ku dhaqaaqay fulinta dhowr arrin oo aan latashi lagala sameyn Madaxweyne xassan waxaana kamid ahaa:-

1 – Magacaabista Khilaaf Erig Wasiirka Amni oo aan magacaabidiisa lagala tashan madaxweyne Xasan.

2 – Taliyaha Booliska oo danbiyo Qaran galay islamarkaana Caalamka raadinayo oo magacaabidiisa lagala tashan madaxweyne Xasan, uusanna xaq u lahayn marka la eego dastuurka.

3 – Xil ka qaadista Taliyaha Nabad Sugida Qaranka oo aan lagala tashan Madaxweyne Xasan, uusanna xaq u lahayn marka la eego dastuurka.

4 – Warqado uusan kawar qabin Madaxweynaha oo la gaarsiiyay Beesha caalamka.

5 – Heshiiskii dhex maray DF iyo Puntland oo uu RW C/weli sameeyay dhowr arrin oo aan lala socodsiin Xasan Sheekh iyo Maamulka Puntland oo uu si cad ula saftay.

6 – Isku shaandheyn uu ku sameeyay Golaha wasiirada isagoo ka cad goosanaaya madaxweyne Xasan oo uu khilaaf kala dhaxeeyay.

7 – Shir loogu tallo galay Madaxda DFS ayuu ka qeybgalshay madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas.

Sidoo kale, Xildhibaan Faadumo waxa ay tilmaantay in RW C/weli uu dusha saaran doono mas’uuliyada iyo baal-marka dastuurka.

Iyada oo arrintaasi ka hadleysay ayaa waxa ay tiri “Madaxweynaha waa Mas’uulka ugu sareeya Wadanka, waana Sharci Ilaaliyaha Qaranka, Khilaafka Maanta jira waxaa Mas’uuliyadiisa leh RW C/wali oo Qaladaadkiisu ay joogto noqdeen,”

Xildhibaanada uu kulanka u dhexeeyay ayaa isku raacay in RW C/wali uu noqday Mas’uul Dastuurka dalka ku xadgudbay, oo u ogolaaday in Maamul Goboleed uu Qaranka ku matalo Shir Caalami ah, sidoo kalena Hal Magaalo (Gaalkacyo) u kala qeybiyay shacabkeeda Labo maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com