Wasiir Bayle oo si aan caadi aheyn uga hadlay Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili uu Khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Ra’isulwasaaraha dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle oo xiligaani ku sugan Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Bayle waxa uu sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu saameyn xoogan ku yeeshay howlaha u yiilay labada Gole ee DF Somalia.
Waxa uu Tilmaamay in Khilaafka uu yahay mid Culeyskiisa leh, wuxuuna cadeeyay in Caqabad adag uu ku yahay Dowladnimada iyo Hormarka dalka intaba.

Wasiirka ayaa sheegay in Khilaafka iyo Isjiid jiidka Dowladda Madaxdeeda u dhaxeeya uu saameeyn ku yeelankaro Waxii Dowladda Federaalka ah u soo qabsoomay iyo sidoo kale in la gaari waayo 2016 oo Dalka lagu wado in Doorashooyin ay ka dhacaan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xalka Khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku jiraan sidii loo soo Afjari lahaa Xubno kamid ah Beesha Caalamka oo Dadaal ku bixinaya in Xal laga gaaro.

Dhanka kale, haddalka Wasiir Bayle ayaa waxa uu imaanayaa xili qaati laga taagan yahay xalinta Khilaafka labada Mas’uul, inkastoo iminka QM ay xalinta Khilaafkaasi u qabatay muddo kooban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com