XOG: Ban Ki-Moon oo laba arrin faray Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan gaar ahaa oo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaasi uu ahaa mid fursad lagu siinaayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli si ay usoo xaliyaan khilaafkooda, halka ballan qaad dhaqaalane ay ka heleen dhanka Ban Ki-Moon iyo Mr Jim Yong Kim.

Ban Ki-Moon ayaa la sheegay in muddo kooban uu u qabtay madxaweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si ay usoo xaliyaan Khilaafkooda siyaasadeed ee ka dhaxtaagan ayna ka sii shaqeeyaan nidaamka loo dajiyay ee ah in 2016-ka ay doorasho xor ah ka dhacdo Somalia.

Ban Ki-Moon ayaa waxa uu Labada mas’uul ku wargaliyay inay wakhti dheer bilaabaan u diyaar garowga doorashada, si xili hore looga gaashaanto dol-doleelada xili xun muuqan kara.

Kulanka oo aad u yaraa ayaa waxa uu Ban Ki-Moon labada mas’uul kala hadlay laba qodob oo kala ahaa xalinta khilaafka iyo u diyaar garowga doorashada fooda nagu soo heysa.

Waxa uu Ban u sheegay Xasan iyo Cabdi Weli in caalamka diyaar u yahay inuu gacan qabto Soomaaliya, islamarkaana khilaafkooda uu niyad jebin karo waddamo badan oo u niyadsan iminka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caafimada@live.com