Xog: Xildhibaanno soo saaray go’aan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in la tuuray ama la soo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna soo saareen warsaxaafadeed ka kooban qodobada soo socda:-

1 – Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista ka keenay Madaxweynaha JFS, waxay tixraacayaan “Go’aanka Ka Soo Baxay Guddoonka Golaha Shacabka” oo taariikhdiisu ahayd 25.09.2015 kuna saabsan Mooshinka Xilka-qaadista Madaxweynaha;

2 – Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxwey waxay tixraacayaan “Maaraynta Wadahadal-Gelinta Mooshinka Laga Keenay Madaxweynaha” oo taariikhdiisu ahayd 12ka Sebtember, 2015 oo isaguna ku saabsanaa isla Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha;

3 – Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha waxay ka soo horjeesteen qaabka uu Guddoomiyaha Barlamaanka uu ugu tala galay in lagu agaasimo Mooshinka, sababaha soo socda aawgood:

  • Marka hore, Guddoomiyaha awood uma laha in uu fasiro Dastuurka iyo Sharciga midkoodba.  Hubinta iyo Fasiraadda in Madaxweynuhu ku xadgudbay Qodobka 92aad ee Dastuurka iyo shuruucda kale wadanka waxaa iska leh Maxkamadda Dastuurka ee hawl u taal Guddoomiyaha Barlamaanka.  Sidaa daraadeed, Guddoomiyuhu wuxuu muujiyay xagjirnimo iyo daacad darro la xiriirta sida uu u agaasimay arrinta mooshinka.
  • Ka dib markii Guddoomiyuhu horay u sugay sharciyadda iyo sababeeynta Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha, qoraalna uu ku caddeeyay in mooshinka Maxkamadda awooda u leh uu u gudbindoono haddii wadahadlaka la isku afgaranwaayo, ayaa waxaa nasiib daro ah in Guddoomiyuhu isku dayo in uu ciladeeyo mooshinka, isla markaana uu tilmaamo in “la soo afjaray sii jiritaanka mooshinka”.  Waxay u muuqataa in Madaxweynuhu ku gacan-seeyray in uu lasoo fariisto Xildhibaanada miiska wadahadalka;
  • In Madaxweynuhu muujiyay daacad daro iyo musuq-maasuq ka dib markii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku cadaadiyay in uu ku dhaqaaqo talaabooyin sharci darro ah oo la xiriira sida loo agaasimayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha;

4 – Xildhibaanada mooshinka Xil-ka-qaadista ka keenay Madaxweynaha JFS waxay walaac iyo wal-wal ka muujinayaan go’aan-qaadasho xumida Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo sida dhiirida leh ee uu ugu dhiiranayo ku xadgudubka Dastuurka, Shuruucda Dalka iyo Xeer-Hoosaadka Barlamaanka.  Masuuliyiinta qaranka waa in ay u dhaqmaan si Dawladnimo ku dheehan tahay oo ay ka fogaadaan wax fashil ku ridayo hab-ku-dhaqanka siyaasad hufan iyo u hogaansanka sharciga iyo Dastuurka dalka;

5 – Waa markii labaad ee Guddoomiyahu si daacad darro ah uu Xildhibaanada uga baxay ballan, taasoo dhalisay in Xildhibaanadu ku qancaan in uusan marnaba dhex-dhexaad ka ahayn arrinta mooshinka.  Xildhibaanada waxaay ku talaabsadeen in ay ka gun gaaraan asbaabta kalifaysa in Guddoomiyaha uu u macaamilo wax u muuqda musuq-maasuq iyo wax ka soo horjeeda danaha dalka.  Sidaa aawgeed, Xildhibaanaddu waxay go’aan ku gaareen in wadahadal dambe ayan galayn maadaamaa Guddoomiyuhu muukiyay daacad-daro soo noq-noq-noqtay.  Xildhibaanada waxay shacabka Soomaaliyeed u sheegayaan in

6- Guddoomiyihii Golaha Shacabku uu god madoow ku riday caddaaladdii iyo sarrayntii sharciga.  Taasoo keeni doonta inaan dib loola xisaabtami doonin madax dambiyo qaranka ka gashay.  Mudane Jawaari wuxuu horseeday difaaca musuq-maasuq iyo hoos u dhigga awooddii Golaha Shacabka.

7 – Xildhibaanada waxay shacabka Soomaaliyeed u balan qaadayaan in  mar walba ay u taagan yihiin danta dalka iyo dadka;

8 – Waxaan ummadda Soomaaliyeed (meel kasta oo ay joogaanba) ugu baaqaynaa in ay ka dhii-dhiyaan gaboodfalka hantida Ummadda lagula kacayo, moowqifna adagna ay ka istaagaan;

9- Ka dib markay wadatashi la sameeyaan Garyaqaanadooda, Xildhibaanada mooshinka waxay soo saari doonaan dhawaan talaabooyinka xiga ee sharciga waafaqsan oo ay tahay in la qaado si mooshinku horay ugu socdo.