Xiisad siyaasadeed cusub oo ka kacsan XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay gudoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in la xaliyay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kadib bilowday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo horay u kala qeyb samay oo qaarkood waxay la safteen madaxweynaha Soomaaliya markii la qanciyay kadib halka qaar kalana ay go’aankooda ku adkeysteen.

Xildhibaanada kulamada qaadanaya ayaa waxay yihiin kuwo mooshinka taageersan oo donaya iney madaxweynaha xilka ka qaadaan, kuwaasi oo sida xogta aan ku heleyno aan loo qancin sida xildhibaanada.

Qaar kamid ah xildhibaanada sida gaarka ah u kulmay ayaa sheegay iney doonayaan iney kusii adkeystaan mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaano ay kamid yihiin C/laahi Goodax Barre iyo Fowsiyo Yuusuf ayaa ah kuwa ugu adag ee kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Waxayna xildhibaanada qaar ay ka caroodeen warqad qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka oo lagu sheegay in la joojiyay mooshinka ka dhanka ahaa Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com