Xog dheeri ah: Qarax xoogan oo ruxay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gob0lka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taala dhabarka dambe ee xarunta Ceymiska ee magaalada Kismaayo, Waxaana qaraxa waxyeelo ay kasoo gaartay askar ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dad shacab ah oo magaalada ku sugan.

Ku dhawaad shan ruux ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah iyo ku dhawaad 10 ruux oo askarta maamulka Jubba ka tirsan.

CIidamada maamulka Jubbaland ayaa qaraxa kadib adkeeyay amaanka xarunta ceymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada ay ka bilaabeen magaalada baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo.

Labadii bil ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo kusoo laalaabanayay qaraxyada loo adeegsado gaadiidka iyo kuwa dhulka lagu aaso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com