Xildhibaano taabacsanaa Jawaari oo aad uga carooday Is casilaada & Go’aankiisa oo lagu tilmaamay…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xildhibaano ka tirsan garabka Guddoomiyaha Is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay aad uga carooden is casilaadiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadaas ay Jawaari ku eedeeyen mowqif xumo, kadib markii uu uga baxay ballankii ahaa in laga dhabeeyo diidmada Mooshinka.

Xildhibaanada aad uga carooday go’aanka uu Jawaari isku casilay ayaa waxaa kamid ah Idiris Dhakhtar oo kaalin weyn ka qaadanaayay nagaanshiyaha Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanka ayaa go’aanka uu Jawaari isku casilay ku sheegay mid aan laga fiirsan, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in is casilaadaasi ay tahay mid lagu dagdagay.

Sidoo kale, waxaa lasoo sheegayaa inay jiraan Xildhibaano farabadan oo ku garab aha Guddoomiye Jawaari kuwaa oo aan waxba laga ogeysiin is xasilaada, balse warbaahinta un ka maqlay Is casilaada Jawaari.

Xildhibaanada ayaa iyagu ku doodaaya inay u dhabar jabeen is garabtaaga Jawaari inta uu socday Mooshinka, balse aan waxba lagala socodsiin is casilaada.

Is casilaada Jawaari ayaa soo dagdagtay kadib cadaadis kaga imaaday Saaxiibada caalamka, taa oo dhalisay inuu ka bixiyo jawaab adag.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxtooyada Somalia ayaan weli ka hadal Is casilaada Jawaari, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu weli ka socdo shirar kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com