Sidee isu casilay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari..?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qaabkii ay u dhacday is-casilaadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Is-casilaadda Jawaari ayaa ka danbeysay kulan bilowday xalay saqdii dhexe oo socday muddo saddex saacadooda ah, iyadoo kulanka labada mas’uul ku wehliyey guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Jawaari ayaa aqbalay inuu ka tanaasulo xilka si xal loogu helo khilaafka hareeyay Barlamaanka isagoo sheegay inuu u tanaasulayo danta guud, mar haddii ay suuragal noqon weyday in la mideeyo Baarlamaanka.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa qoray qoraal kooban oo ku saabsan is casilaadiid, waxaana marqaati looga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad iyo xubno kale, wuxuuna dalbaday in is-casilaadiisa aan la shaacin ilaa Arbacadda oo uu hortegi doono Baarlamaanka oo mideysan ugana dhawaaqi doono.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo gaaray xarunta Baarlamaanka saaka ayaa u sheegay xildhibaanno ku dhow 100 oo goobta ku hormaray inuu is casilay guddoomiye Jawaari, isagoo ku qanciyey xildhibaannada inuu shirkii baaqday oo Arbacadda uu kulanka xiga dhici doono.

Waxaa sidaas ku soo gabagaboobay murankii soo bilowday 14-tii Maarso kadib markii mooshin ka dhan ah ay ka keeneen Guddoomiye Jawaari, iyadoo markaas kadib uu dalku galay xiisad siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com