XILDHIBAANO XISHOOD KA ARRADAN

Waxaa shalay noo caddaatay dadka ku jira barlamaanka qaarkood inay yihiin dad aan ka xishoon ummadda Somaliyeed oo meesha ay fadhiyaan xushmadda ay leedahay aan dareensaneyn. Xilalka ay  ummadda u hayaan oo carabiga lagu yitaahdo MUSHARRAC (LAWMAKER) oo ah sharci dejiye inaysan u qalmin waana dad soo qaldamay oo mooday inay sidi ay rabaan u dhaqmi karaan iyagoon ka xishoon ummadda ka sugeysa inay dalkan samata bixiyaan, soo saaraan shuruuc lagu dhaqo dadka iyo dalka, gaarsiiyana doorasho ruux waliba xur u yahay codkiisa qofki uu rabana dooran karo.

Waxaa jira xikam Iyo axaadiith fara badan oo ka hadlaaya xishoodka waxaana ka mi ahaa xadiithkan  ان لكل دين خلقا وخلق الاسلام الحياء  

Waxaa jira xikmad laga weriyay                                                           وهب بن منية  من كساء الحياء ثوبه لم يرالناس عيبه

Waxaa jirta sheeko (joke) Talyaani ah..nin xoogaa madaxa looga jiro oo waalan ayaa la arkay asagoo baskillki carruurta ku dhex wata magaalada, markaasaa askari  kuwa jidadka trafiko ah qabtay markasuu yiri “non ti vergogni a padellare la bicicletta dei bambini sulla strada principale”..Trafikadaani ma yaqaano ninkan inuu xoogaa khafiifsann yahay..markasuu ku jawaabay ninkii waalnaa “ tu sei peggio di me a fischiare sulla strada come un bambino”…micnaheedu waa askarigi uu yiri war ninyohow miyaadan xishoon markaad soo wadaneyso baaskiilki carruurta…ninkibaa wuxuu ku jawaabay adigaa iga liita oo sidi carruurti shaarciga firimbi la taagan!.

Nin lagu sheegayo inuu yahay xildhibaan ayaa firimbi soo qaatay markaasuu sidi nin waalan la dhex istaagay golihi shacabka isagoo weliba isla fiican..maxaa lagu sheegi karaa ninkaas?! Masu’uul maka naqan karyaa ummad oo xil ma loo dhiban karaa isaga iyo kuwa u sacbainaaya?!!!

Waxyaabaha lala yaabay waxaa ka mida inay xildhibaanada qaska weday soo qaateen boorar ay ku qoran yihiin luqada Ingiriiska NO VOTE FOR CASH!!  Yey ula dan lahaayeen ma beesha caalamka (International Community) mase waxay na tusaayeen inay dibadda ka yimideen oo aysan Somali qori Karin?!.  Runtii waa wax laga yaaq-yaaqsoodo oo aan u qalmin dad lagu sheegayo sharci dejiyaal (legislators) oo aan waxba ka aqoon sharci wax ka xaaran ahna aysan jirin maadaama ay heystaan XASAANAD.

Ma waxay moodeen in R/Wasaare Cabdiweli sidaas ku badbaadayo ama booska ku sii heysan karo, kaddib markey ku caddaatay gabood-fallo aad khatar ugu ah dalka iyo danihiisa. Waa ninki afar maamood uu Garowe joogay ku andacooday inuu kharaj gareeyay 20,000,000 oo dollar ku bixiyay halkaas!!!  Intaas waxaa dheer masaariifta uu ku bixinaaayo shirarka aan kala go’a lahayn ay xulufadiisu ku qabanayaan hotelada Xamar.  Gefafka Cabdiweli Sheikh qaarkood waxaan ka qornay maqaal kale oo weli ku jira website shaaciye.com.

Kuwa dhahaya laaluush ayaa la bixiyaa iyaguba waxay ula safan yihiin Cabdiweli Sheikh ma ahan mabda’ ay aaminsan yihiin ee waa lacag fara badan oo loo ballan qaaday oo weliba loo hormariyay carbuun ay danahooda ku maquuniyaan nin dal u daneyhaya meesha ma joogo. Waa wax laga naxo in R/Wasaare Cabdiweli uu jilaayo dowr ah inuu yahay DHIBBANE (victim) mudan in loo gurmado si uu booska u sii fadhiyo..siyaasadaani waa midda ay mar kasta ku dhaqanto una fusha Israel oo iska dhigta dhibbanaha iyagoo dadki leynaaya.

Cabdiweli dalkaan dan uma haayo wuxuuna raadinayaa in ay dhibaato weyn meesha ka dhacdo, dowladduna ay burburto, si aysan  isaga waxba dambeyn, kuwa taageerayana waa ka daran yihiin isaga ama ha joogaano Xamar ama gobollada qaarkood.

Haddaba, Madaxweynaha iyo Afhayeenka barlamaanka waxaa la gudboon inay arrinta mooshinka u arkan mid dalka lagu badbaadi karo oo R/Wasaaraha iyo inta xulufadiisa ahna aysan u rumoobin riyadooda ah in aan mooshin la keeni Karin.  Ma tiro xildhibaanno ah oo aanu naqaanno awoodooda inta ay la’egtahay ayaa dalkaan RICATTO ku heysan kara haddeysan Madaxda sare muujin debecsanaan iyo daciifnimo lagu sifeyn karo” DOQONI WAXAY U DAGAAL LA’ADAHAY YAAN LAGAAGA DERIN”!!!  Awood oo dhan Ilaahaa idin siiyay waa haddii aad dareensan tahini. Darajada aad heysatiin ma soo xadeen mase waa soo xoogteen?!! Beesha Caalamka waa in ay dareentaa in dalkaanu leeyahay dowlad ilaalisa danihiisa.!!!

Guddoomiye Jawaari waa inaad noqotaa nin u dulqaadan kara PRESSURE-ka una dulqaadan kara duulaanka wadar geesoodka ah oo lagu burburinaayo inta yare ee ka hartay xurriyadda dalka. Waxa socdana aadan ka naqanin dhexdhexaad. Waa inaad  si caddaan ahna ula safataa dadka wada mooshinka samata bixinta dalka si looga badbaadiyo burburka ay wadaan Cabdiweli iyo xulufadiisa.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid