Xildhibaanoow tolkay [Majeerteen] bay taladu seegteye, idinna yeydin seegin

Waa fariin aan si gaar ah ugu dirayo Xildhibaanada Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya, si ay u badbaadshaan qarannimada iyo dowladnimada Soomaaliya. Muhiimadu ma ahan ogaanshaha magaceyga, waxaase mudan waa fikirka, fariinta iyo talada aan xambaarsanahay. Mar hadii Tolkay taladu seegtay, Soomaali in ayan taladu seegin ayaan xoogeyga iskugu geynayaa.

Yaan ahay?

Mudane Faroole, Madaxweyne Gaas, R/Wasaare Cumar, Musharax Cali Xaaji iyo Siciid Cabdullaahi, intaba Ardaa qura ayaan kawada tirsannahay, talo iyo tashina waan wada qaadanay, Nairobi, Dubai iyo Garowe. Qorshahayagu mid buu ahaa, kaas oo ahaa hanashada hogaanka sare ee dalka. Inta aanan Soomaali iska daaye tolkayagii kale ee danwadaagta ahayn taladayada iyo hanka na galay la qaybsan ayaa shantayadii isku cunay, iskuna nacnay wax Soomaali nagala dhaxeeya.

Anigu ragii loo saarey in fikirkaan isku soo urursho codkana mideeyo ayaan qayb ka ahaa, ragga aan kor ku xusay waa garanayaan cidaan ahay marka taladaan akhriyaan. Si aan taladaas u meelmarino ayaan aniga iyo koox kale uga tagnay dibadaha dhamaadkii bishii todobaad 2016. Waana ku hungownay. Anigu labo todobaad ka hor ayaan gurigeygii ku laabtay. Waanse u toog hayaa marxalada tolkay Muqdisho ku sugan yihiin. Ragii aan wada tagnayna kuwo aan sabrin iyo kuwo ayagii lakala saftay ayay u kala baxeen.

Maxaa isoo qasbay?

Fariintii ugu danbeysay ee tolkay Muqdisho kasoo direen ayaa noqotay mid aan hore uga digayay aniga iyo rag kale. Taas oo ahayd in isku tanaasul la’aanta iyo ka talogalin la’aanta damacayaga beelaha aan walaalaha nahay ee Puntland iyo Soomaaliba ay horseedi doonto hungo iyo walaal la’aan.

Maanta xalkoodii wuxuu ku soo ururay raggii tashiga naga diidayay “Mudulood dooro, Mudulood hana doortee”. Madaxweynanimadii damacoodii waa ka ceshteen, Ra’iisul wasaarenimo ayayna intoodiiba isku heystaan. Taas ayaa igu qasabtay in aan tolkay hadii taladu seegtay aan uga digo Soomali in ayan seegin.

Taladu maxay tahay?

Ma qabo in Mudulood mudan yahay in mar walba talada wadanka qoorta loo gasho. Mana qabo tolkay in Marwalba Ra’iisul wasaaraha mudan yihiin. Hadaba si isbadal dhab ah wadanku uga dhaco, hogaanka dalku waa in ay u sinaadaan beelaha kale ee Hawiye iyo Daaroodba leh, hadaan Soomaali u sinayn.

Taas waa taan farayo Xildhibaanada Tobnaad in halbeeg u noqoto marka ay dooranayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya 8 Febuery 2017-ka. Waa sababta aan u leeyahay Xildhibaanoow Tolkay bay Taladu seegtaye, idinna yey idin seegin.

Tan aan tolkay leeyahayna waxa ay tahay tashigiinii hore ayaa taladii marin habaabiseen, maanta talo xumada aad wadaana tolkayagii kale ayaad nagu kala dileysaan. Marka bilaa caleykum hankiinu ha dhaafo hungada aad tolkiin iyo Soomaaliba ku wadaan. Bartana in dad aad danwadaag tihiin. Waana la idinkala xisaabtami doonaa dibindaabyadiina.

Afeef: In aan tolkay qaladkiisa xuso, Soomaalina qarannimadeeda ilaasho xaq baan u leeyahay, Rag badan oo tol aan nahay iyo Soomaali ayaan taas xasuusinayaa. Waayo tolkay oo saxan waa Soomaali oo saxan.

Ruugcadaa Hore
W/Q: CB J
cbjama77@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com