Xildhibanaadii jabhadda ka dilaacday gobolka Awdal u xirnaa oo maanta la siidaayay

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Boorama goordhoweyd laga sii daayey Xildhibaanadii dhowaan loo xiray Jabhadii ka dilaacday deegaano ka tirsan gobolka Awdal.

Xildhibaanadan ayaa waxa maalintii khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama.

Sii-deynta xildhibaanadan ayaa daba socota dadaalo iyo waan-waan ay maalmihii u dambeeyen wadeen odayaasha beesha ay ka soo jeedan xildhibaanadan, kuwaasi oo muddo dhan 5-cisho ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Xildhibanaadan oo goordhoweyd markii xabsiga laga sii daayey la hadlay warbaahinta, ayaa waxa ay sheegen in loo xiray kacdoon ay abaabuleysay beesha ay ka soo jeedaan, kuwaasi oo Jabhad ka dhana xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayey deegaano hoos yimaada gobolka Awdal.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxay sheegen in Kacdoonkaasi ay hormuud ka ahaayeen odayaasha beeshoodu, isla markaana ay kula soo dul-dhaceen, midaasi oo sababtay in xabsiga loo taxaabo xildhibaanadan.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Boorama, Xildhibaan Maxamed Faarax Dheerayste oo ugu horeyntii isagu la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in shirqool ay soo abaabuleen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka iyo degmada, iyo weliba odayaal ka tirsan beeshoodu ay ka dambeysay xarigooda.

Xildhibaan Dheereyste ayaa sidoo kale waxa uu luuqad adag kula hadlay Badhasaabka gobolka Awdal, oo uu ka dalbaday in uu banaanka keeno cadeymaha iyo waxyaabihii ay xabsiga ugu jireen mudada shanta cisho ah, wuxuuna yiri

“Sababihii aanu u xidhneyn oo ahaa howlo qaran, oo ahaa in reerka baahiyaadkii jirey uu si salmi ah oo aan turxaan laheyn usoo bandhigtey cabashadiisii, midaasi oo aheyd mid inbadan soo noq-noqotay, haba’se ahaate la dhageysan waayey, taasi oo ay kaliftay in kacdoon ka dhasho”.

“Kacdoonkaasina waxa hogaaminayey odayaasha reerka, odayadiina markey is-afgaran waayeen kooxdii ay hogaaminayeen, ayey yidhaahdeen xildhibaanada ayaa howsha naga fududeyn kara, kii saameyay markuu howshii dhameyn kari waayeyna oo anaga nagu soo dul-saarana, waxay noqoneysa caqabad koleyna waxaan u maleynayaa in bulshada intooda badan ay ka dharagsantahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Odayaashii markaa lahaa ee gadh-wadeenka ka ahaa iyo ciidankii ay wateen ee meesha ay dhigteen ay is afgaran waayeen, in anaga na soo dhex-galiyaan, waa xaalad iska foolxun koley”.

“Badhasaabka iyo guddoomiyaha degmadaba iyo weliba odayada qaarkood inay gacan saar fool-xun ay yeeshaan, oo anaga wixiiba nagu soo leexiyaan, waa mid aad iyo aad uga xunahay. Badhasaabkana waxaan uga fadhinaa hadduu cadeynta keeni waayo iyo waxyaabaha uu inagu xidhay inaga, waa tuhun loo joogi doono, oo la is xisaabin doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama