“Xiligaan diyaar uma nihin in Kheyre uu nagu daro golaha wasiirada” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Golaha Shacabka BFS ay codka kalsoonida siiyeen Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia, Xasan Kheyre, ayaa waxaa Golaha Wasiirada ee lasoo dhisi doono ka hadlay Senator Xuseen Sheekh oo kamid ah mudanayaasha Aqalka Sare.

Senator Xuseen Sheekh, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia looga baahan yahay in Golaha Wasiirada uu kusoo biiriyo rag ku cusub Siyaasada oo waxtar u leh dalka.

Senator Xuseen Sheekh, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha cusub looga baahan yahay in Golohiisa Wasiirada uu ka ilaaliyo Xildhibaanada labada Aqal, waxa uuna cadeeyay inaysan muhiim aheyn in Xildhibaanada ay kasoo dhexmuuqdan Golaha cusub.

Xildhibaanka ayaa ku taliyey in wasiirada cusub ee lasoo dhisi doono aan laga soo dhex xulin xildhibaannada baarlamaanka oo Ra’iisul wasaaraha banaanka ka keensado.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in la helo Wasiiro ay xildhibaannada baarlamaanka xisaabtan dhab ah la sameyn karaan, sidaasi darteedna aysan mudanayaasha ku dhiiran karin in qof iyaga kamid ah ay si toos ah ula xisaabtamaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

”Waxaan qabaa in Ra’isul wasaaraha uu ka fiirsado shaqsiyaadka uu u magacaabayo xilka, waxaan ka digayaa in Golaha lagu soo daro Xildhibaanada waayo wey adag tahay in BFS uu la xisaabtamo Xildhibaan hadana Wasiir ah”

”Ma dooneyno in Golaha lagu soo daro Xildhibaanada waxaan u baahanahay in dalka laga bedelo xaalada uu hadda ku jiro, waxaana lagu gaari karaa isla xisaabtan”

Dhinaca kale, waxa uu Senatorka sheegay in labada Gole qudhooda ay diyaar u yihiin in Xildhibaanada laga reebo Golaha lasoo dhisaayo, waxa uuna tilmaamay in ka faa’iideysiga fursadaasi ay tahay mid hortaal Farmaajo iyo Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com