Xilliga ay shaqo billaabeyso xarunta Bangiga Dhiigga Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta bangiga dhiiga ee dhismaheedu ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay kormeer ku tagay wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalim Fiqi.

Xarunta bangiga dhiiga ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, ayada oo dhismaheedu soo socday muddo sanad iyo bar ah, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto laba bilood gudahood, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay rajeynayaan in gobolada dalkana la gaarsiin doono.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalim fiqi oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey wasaaradda caafimaadka iyo Isbitaalka Banaadir.

Waxa uu sheegay in bulshada uu hayay welwel la xiriira arrintaan, islamarkaana haddii xarunta bangiga dhiiga dhismaheeda xariga laga jaro uu bangiga dabooli doono baahiyo badan iyo qeyla dhaanta ka soo yeerta umadda Soomaaliyeed.

“Bangigaan oo Injineerada ay sheegeen in laba bil kadib la furi doono, taasi oo ah arin lagu farxo. Waxaa la ii sheegay in dhiigan loo dhoofin karo gobalada dalka oo meel kasta oo dhib ka dhaca lageyn karo dowladihii ka qeyb-qaatay ee dalkeenna ugu tabarucay waan ugu mahadcelinaa.”

Ugu dambeyntiina waxaa goobta ka hadlay agaasimaha guud ee isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir Marwo Fartuun Shariif, iyada oo u mahadcelisay dowladaha Sweden iyo Finland oo dhismahaan kaalin weyn ka geystay.