Muuse Biixi oo dalab ka dhan ah DF u gudbiyay laba dal

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga ah (Video Conference) la qaatay safiirka Ingiriiska iyo ku-simaha safiirka Mareykanka.

Kulankaan ayaa waxaa uu madaxweynaha Somaliland uga dalbaday safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka inaysan lacagaha taakulada caalamiga ah usoo marin dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay si toos ah ugu soo shubaan Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taasi oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar bini-aadanimo,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaan kasoo saartay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxa uu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dalalka beesha caalamka oo iyagu ka taxadaraya inay ku xad-gudbaan madax-banaanida dalkeena ayaa waxay badankooda deeqaha iyo mashaariicda horumarineed kusoo hagaajiyaan dowladda federaalka, inkasta oo sanadihii dambe ay soo baxayeen waddamo iyo hay’addo caalami ah oo si toos ah ula macaamila Somaliland.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa hore sidan oo kale u diiday in deeqaha beesha caalamka loo soo mariyo dowladda federaalka Soomaaliya, si lamid ah dowlad-goboleedyada.