Qaraxii Zoobe 2 oo daaha ka qaaday lix arrin oo u baahan in deg deg wax looga qabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo ku laysay in ka badan 120 qof oo shacab ah oo ku sugnaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay.

Wuxuu ahaa qaraxii labaad oo ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa si aan cabsi ku jirin u sheegatay xasuuq wadareedkaan.

Haddaba dhowr maalmood oo tacsi iyo gurmad ah, waxaynu billaabeynaa inaan dul istaagno gaabiska dhacay, waxyaabaha aan weli qaraxyada laga baran, sida haboon ee loo maareyn karo xaaladaha adag, baahida xaaladahaan la xiriirta ee ka jirta Muqdisho, dariiqa isla xisaabtanka iyo sheekooyin kale oo ku gadaaman dhacdadaan.

Sheekadeena koowaad waxaan ku eegeynaa waxyaabaha aan weli laga baran qaraxyada magaalada Muqdisho.

1- Inuu isla goobta ka dhici karo qarax labaad

Markii uu dhaco qarax waxaa badan dadka ku yaaca goobta si ay u raadiyaan dadkii ay ehelka ahaayeen oo ay goobta ku ogaayeen ama kuwa raba inay xaaladda soo arkaa.

Saxaafadda ayaa kamid ah kuwa ugu horreeya ee goobta taga. Qarax bareer loo sameeyey ma ahan dhacdo caadi ah oo dadkii fuliyey ay goobta ka dhow yihiin.

13-kii sano oo ay Al-Shabaab qarxinayeen shacabka ku dhaqan caasimadda ku nool, waxaa muuqata inaan waxba laga baran filashada qarax labaad.

Sidii dhacda Sabtidii, marar badana horey u dhacday qaraxa labaad ayaa geysta khasaare badan, xataa waxaa dhici kara mid saddexaad sida horeyba u dhacday mar ay Al-Shabaab soo weerartay Hotelka Sahafi ee magaalada Muqdisho 2018.

Mar walba waxaa haboon qaraxa kadib in la sugo imaatinka ciidanka dowladda, gaar ahaan kooxda miino baarista lagana fogaado gaadiidka yaalla goobta qaraxa.

2- Dadka ku hoos jira daaraha burburay

Mar waba oo uu qarax dhaco burburka wuxuu ku habsadaa dad, dhimasho labaad ayuuna burburka sababa, dadka ku hoos jira burburka guryaha ku duma qaraxyada gurmad deg deg ah ma heli karaan sababtuna waa inusuan jirin qalab iyo koox u tababaran shaqadaan.

Dadka shacabka ah ee gurmadka u yimid ayaa isku daya inay gacantooda kusoo saaraan dadka ku hoos jira dhismayaasha dumay, balse waqti ayey ku qaadataa, waxayna u badan tahay inay naf ku gaari waayaan dadkii ay rabeen inay badbaadiyaan.

Dowladda ayey hor taallaa inay arrintaan xalkeeda keento oo ay ku darsato waxyaabaha hortabinta leh .

3- Waddooyinka la xiro qaraxyada kadib

Markii uu qarax dhaco waxaa la xiraa waddooyinka caasimadda gaar ahaan kuwa u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la joojiyaa dadka raadsanaya dadkooda maqan.

Waddo aad ka celin weysay gaarigii qaraxa siday ayaad ka xireysaa dadkii dadkooda la laayey, tani waa adigoo bixinaya fursad ku dhaawaca ahna ay ku dhintaan, ayey leeyihiin shacabka. Haddii ay ciidanka xal ku keeni karaan waddo la xiro qaraxuba ma dhaceyn.

4- Isbitaalada Muqdisho iyo dadka kusoo dhaawacmo qaraxyada

Buuq ayaa ka dhashay sida ay isbitaallada Muqdisho u maareeyeen dhaawacyada qaraxii Zoobe 2. Maadaama magaaladu qarax la nool tahay horey uma jirin heshiis u dhaxeeya Isbitaallada iyo dowladda oo ku saabsan sida loo wajahayo xaaladahan oo kale.

Tallooyinka lasoo jeediyey oo dowladdana wax qabad u noqon kara, waxaa kamid ah in Isbitaallada gaarka ah ay kula heshiiyaan inay daaweeyaan qof walba oo qarax kusoo dhaawacma dowladdana ay kusoo dalacaan lacagaha adeegga ama ugu yaraan 60%.

Tani waxay sahli kartaa in deg deg loogu fuliyo adeeg caafimaad dadka kusoo dhaawacma qaraxyada waxayna culeyska ka yareyn kartaa qoysaska uu dhibka soo gaaray.

5- Goob lagu keediyo meydadka

Markii uu qarax dhaco isbitaal walba qeyb kamid ah meydadka ayaa la geeyaa raadinta iyo tiro koobka dhib badan ayaa laga maraa, magaalada Muqdisho weli malahan keyd meydadka loogu tago.

6- Banki dhiig

Qaraxii koowaad ee Zoobe ee 2017 waxyaabaha la qorsheeyey waxaa kamid ahaa dhismaha Banki dhiig welina lama dhisin.

Magaalo ay cadow ku hareereysan yihiin oo qarax u joog ah inaan banki dhiig loo dhisin waa in madaxda iyo shacabku aysan isku nooc u aqoon mudnaanta.