Cadaaddo (Caasimada Online) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa digniin u diray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid oo socdaal shaqo ku jooga deegannada gobalka Mudug.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayuu madaxweynaha Ximin iyo Xeeb Cabdulaahi Cali Maxamed Baarleex uu sheegay in ay ka digayaan dagaal dhexmara labada muul kaasoo salka ku haya hadal uu Hobyo ka sheegay Cabdi Qaybdiid.
Cabdi Qaydiid ayaa shaley ka sheegay degmada Hobyo ee gobalka Mudug in la dhisaayo dekedda Hobyo isla markaana mashaariic horrumarineed laga sameen doono deegannada uu booqaday oo ay ku jirto Hobyo.
Baarleex ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid daan-daansi waayo ayuu lee yahay Hobyo waxaa maamula Ximin iyo Xeeb.
“Cabdi wuu booqan karaa Hobyo balse waa qalad in uu yiraahdo dekedda Hobyo waa la dhisayaa , hobyo ma ahan Galmudug waana hadal qalad ah, annaga iyo Galmudub heshiisyo ayaa noo socda Muqdisho, mana ku jirto heshiisyadaas in uu Cabdi booqdo Hobyo” ayuu yiri Cabdulaahi Baarleex madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.
Isku soo duub hadalka madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa jawaab u ah hadalka uu sheegay Cabdi Qaybdiid oo isaga iyo saraakiil British aybooqasho ku marayaan deeganno ku yaalla gobalka Mudug.
Waxaana madaxweynaha Galmudug Qaybdiid uu sheegay in ay heshiisyo la soo galeen shirkado ajaaniib ah kuwaasoo doonaya in ay mashruucyo dib u dhis ah ay hirgaliyaan deeganno hoostaga gobalka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

