Xiriir intee la eg ayaa ka dhaxeeya shirkii London iyo qaraxyada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku muujiyay xiriirka ka dhaxeyn kara qaraxyada kusoo batay magaalada Muqdisho iyo shirkii sahminta shidaalka ee London.

Siyaasiga ayaa sheegay in soo bandhigida kheyraadka shidaalka dalka uu abuuray qataro badan oo dhanka amaanka ah, isaga oo sheegay inuu hurdada ka kiciyay unugyo “Dad” hurdayay, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Xaaji, ayaa sheegay in awoodo badan ay bilaabeen inay ku baratamaan dalka, taasi oo qatar ku ah Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u sababeeyay kadib shirkii shidaalka ee London.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowlad aan ka adkaan karin amaanka caasimada inay ku adag tahay inay ka faa’ideysato kheyraadka ku jiro dalkeeda, taasina ay keeni doonto khataro kale oo amaan.

“In aanay suura gal ahayn Dowlad aan amniga caasimadda iyo xuduudeeda ka adkeen karin inay ku dhiirato ka faa’idaysigo kheyraadkeeda, taasi oo dalka u keeni karta khataro badan”ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Walow uusan si toos ah u cadeyn xiriirka ka dhaxeynta labada dhacdo, ayuu hadana sheegay inay toosisay dad badan oo doonaya inay iyaga hantaan kheyraadka dalka, taasi oo keentay inay awood ahaan ku dagaalamaan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com