10-jeer oo ay aheyd inuu is-casilo ra’isul wasaare XASAN CALI KHEYRE!

(1) – August 25,2017: Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose. Dunida kale waa la isku casilaa arrintan oo kale, laakin isaga looma qaban, shaqadiisa ayuu caadi u watey!

(2) – August 27, 2017: Muwaadin Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23-kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay Cadawga Itoobiya, Kheyre waxuu ONLF ku daray liiska argigisada. Ilaa hadda waa ku indho adag yahay!

(3) – September 26, 2017-maanta aan joogno, waxaa ka socda Galmudug fowdadii uu ka abuuray Kheyre, kama xishoon xataa dadkii iyo dhulkii uu u dhashay!

(4) – October 14, 2017: Waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof, kuna dhaawacmeen kun ka badan, hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika. Isma casilin ee shaqada ayuu iska watey!

(5) – December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray. Looma raacan isna howshiisa ayuu sii watey!

(6) – Howl-gab Ka Dhigista Baarlamaanka: April 9, 2018, maalintaas waxaa is-casilay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaase ka horeeyey Kheyre oo musuqay golaha, isaga oo maalintaas kadib baarlamaanka ka dhigay mid aan jirin. Kheyre isaga ayaa isku ah fulin, sharci-dejin iyo garsoor. Waa Caadi oo shaqadiisa ayuu wataa!

(7) – Xukuumadiisa Xiriirka ayaa loo jaray: September 8, 2018, Shir ka dhacay Kismaayo, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, waxaa Kheyre dartiis u taagan dhammaan howlihii qaranka, waa caadi oo shaqadiisa waa iska wataa.

(8) – Ceyrintii Madaxweynaha Koonfur Galbeed: Kheyre waxaa uu qasay Koonfur galbeed waxaa uu madaxweynaheedii Shariif ku qasbay inuu is casilo November 7, 2018, isaga oo markii dambe gar-darro ku xiray Roobow December 13, 2018, kadibna keensaday Lafta-gareen.

(9) – Bixin la’aanta mushaaraadka: Kheyre waxaa uu ka been sheegay mushaar bixinta ciidanka xoogga dalka, laakin Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin, weli shaqadiisa ayuu wataa.

(10) – Qaraxyad dhacaya, oo si maalinle ah uga socda caasimadda Muqdisho, dunida damiirka leh qofka ra’isul wasaaraha ah isaga ayaa mas’uuliyadda qaata, haddii aanu isaga is casilin, waxaa uu ceyriyaa wasiirka arrinta khuseysa, laakin Soomaaliya kama dhacdo, Kheyre iyo wasiirkiisa waxa ay tirsadaan inta dhimatay, waxaa ay qeyb ka tahay waxqabadka wasaaradda amniga!

Aniga Weli Ma Hadlin!!

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid