Sawirro: Diiwaan-gelinta ciidamo ka tirsan kuwa DF oo ka socota Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota diiwaangelinta ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, taasi oo ay wadaan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maamulka iyo Shaqaalaha wasaarada maaliyadu ay weli sii wadeen Diiwaan-gelinta Ciidamada booliska Soomaaliya.
Wasiir Bayle ayaa soo dhigey bartiisa Twitter-ka qoraal uu kaga hadlayo arrintan, wuxuuna ku yiri: “Maanta maamulka iyo shaqaalaha  Wasaarada Maaliyada Soomaaliya waxay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimada ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan adeegno dalkeena”.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ay sii wadi doonaan diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay inay ka go’an tahay diiwaangelinta ciidamada kala duwan ee dowladda si loo helo tirada saxda ah ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.