Xiriir noocee ah ayaa ka dhaxeeya basaasiinta FBI-du raadineyso iyo Bin Salman?

Washington (Caasimada Online) –  Sacuudiga ayaa mar labaad wajahaya eedeymo ah inay basaasiin ku abuurtay barta ay bulshadu ku kulanto ee Twitter, si ay u hesho xogo iyo macluumaad ku aadan muhaajiriin badan oo dhalasho ahaan dalkeeda ka soo jeeda.

Basaasiinta lagu eedeynayo Sacuudiga ayaa waxay si toos ah u beegsanayeen dadka sida gaarka ugu soo horjeeda dowladda Boqortooyada Sacuudiga iyo dhaxal sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan.

Eedeymahan ka dhanka ah Sacuudiga, ayaa waxa si toos ah ugu soo jeediyay Waaxda cadaalada Mareykanka, taasi oo si cad ugu eedeysay qaar kamid shaqaalihii hore uga tirsanaan jiray Twitter inay dadka u basaasan boqortooyada Sacuudiga.

Basaasiintaasi ayaa mid kamid ah waxa soo shaac baxday in uu hore ula kulmay boqorka Sacuudiga iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, midaasi oo sii xoojisay tuhunka wada-shaqeyneed ee kooxdaasi iyo boqortooyada.

Dhinaca kale, Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI ayaa iyaduna daabacday sawirada tuhmanayaashan Sacuudiyaanka ah ee lagu eedeynayo inay u basaasayeen boqortooyada Sacuudiga.

Shabakada FBI-da ayaa shalay oo Khamiis aheyd waxay si rasmiya u soo bandhigtay sawirada iyo faah-faahinta qaar kamid ah Ragaasi lagu eedeynayo Basaasnimada, waxaan si gaar ah uga dhex muuqday muwaadiniin u dhashay Sucuudiga oo lagu magacaabo Axmed al-Mutairi iyo Ali al-Zubara.

Xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ayaa isaguna waxa uu sidoo kale sheegay in Xogaha Basaasiintaasi xadeen ay kamid ahaayeen Cinwaano email, Lambaro telefoon iyo cinwaano IP, kuwaasi oo ay lahaayen dad si aad ah uga soo horjeeda, isla markaana dhaleeceeya dowladda Sacuudiga.

“Xogta la xaday waxaa ku jiray cinwaanno email, lambarro taleefanno ah iyo cinwaanno IP-ga ah, kuwaasi oo ay lahaayeen kuwa dhaleeceeya dowladda Sacuudiga,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanku

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
caasimada@live.com