Xisbiga Faysal Cali Warabe oo laba u kala Jabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex curtay madaxda Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland.

Khilaafka Madaxda xisbiga ayaa ifafaalo u ah in Xisbiga uu u kala jabay laba garab, kadib markii leysku qabtay hanaanka uu Xisbiga uga qeybqaadan doono doorashada la filaayo in deegaanada maamulka uu dhawaan ka dhaco.

Khilaafka ayaa waxaa sii xoojiyay kadib markii Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID uu beeniyay hadal dhawaan xubno ka tirsan Xisbiga ay ka baahiyeen kaasi oo ahaa inuu iska casilaayo murashaxnimada xisbiga.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in murashaxii madaxweyne-xigeenka ee Xisbigooda ee is-casilay aanu ka aqbalin is-casilaaddaasi, ilaa imikana aanu iscasilaad rasmi ah u soo gudbin.

Siyaasiyiinta qaar ee ka tirsan Xisbiga ayaa ku goodiyay inay dib ula laaban doonaan kalsoonida Xisbiga islamarkaana ay yagleeli doonaan doorashada ka hor xisbi kamadax-banaan kan hadda ay isku khilaafsan yihiin.

Geesta kale, murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Eng Feysal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu yahay caqabadda haysata xisbiga UCID.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com