Xog: CC oo faraha la galay dagaallada Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo magaalada gaalkacyo.

Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa lasoo warinayaa inuu ku qotomo xiisada ka dhexeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland oo iminka gaarsiisan heerkii ugu xumaa.

Socdaalka ayaa waxaa ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo kala jeeda dhinacyada ay xiisada u dhexeyso kuwaasi oo xal u raadin doona colaadaha sii baaheya.

Wasiirada socdaalka ku wehlin doona Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa kamid noqon doono Wasiirka wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa iyo Masuuliyiin kale.

Mas’uuliyiintaani oo uu wakiishay Madxaweyne Xassan Sheekh ayaa looga fadhiyaa inay xal ka dhex abuuraan labada dhinac, waxaana la filaaya in dib usoo laabashadooda danbe ay lasoo laaban doonaan natiijo mirro dhalkeeda uu noqon doono xal lagu waaro.

Socdaalka uu Wafdigaani la filaayo inay ku gaari doonaan magaalada Gaalkacyo ayaa imaanaya xili Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay tahay mid kacsan kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale, waxaa laga dhoor sugi doonaa Booqashada Mas’uuliyiintaasi waxa ay ku soo kordhiyaan xaaladda kacsan ee ka jirta Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com