Aqriso: Go’aankii ay gaareen gobollada Somalia ee nooca doorashada Soomaaliya ee 2016-ka

Maalmihii 16-22 bishan waxaa dalka oo dhan ka dhacay shirar looga tashanayo qaabka ugu haboon ee hanaan doorasho loo qaban karo sanadka 2016ka, iyagoo dadka ay kala dooranayeen afartaan qaab midkood in la qaato.

Ergo doorasho oo ka kooban dalka oo dhan: Nidaamkan waxaa uu ku fulli karaa in la dhiso Xisbyo Siyaasadeed, Xibsi kasta oo Baarlamaanka ku yeesho tiro Xildhibaan oo u dhiganta cododka uu doorashada ka helo.

Ergo doorasho oo heer dowlad Goboleed ah, Dowlad goboleedyada jira ama kuwa sameymaya waxaa laga yagleelayaa Wakiilo doorasho oo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo Metelaya dowlad goboleedyada.

Ergo doorasho heer degmo: degmo walba oo ka mid ah 92 degmo ee jiray sanadkii 1991 ayaa sameysanaya Ergo doorasho.

Ergo doorasho oo beel ku saleysan: sidii lagu soo xulay 2012kii oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen Xildhibaanada

Gobollada dalka ee ay doodaha ka dhaceen waxaa ay kala ahaayeen: Jubblanad, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo ka kala dhacay Kismaayo, Baydhabo, Cadaado iyo Garoowe iyo Muqdisho oo dhowr shil lagu qabtay sida kulankii Muqdishi, Hiiraan iyo Shabeelle oo hal meel wax ku qabsaday iyo Somaliland oo sidoo kale shirkoodu Muqdisho ka dhacay.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa go’aanka ay gaareen dhamaan dadkii wada hadlay gobollada dalka iyo xitaa qaabka la filan karo in doorashada u dhacdo 2016ka.

Go’aankii Wada tashiyadii dhacay:

 Gobollada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeelle:

Shirkan oo labo maalmood socday, waxaa ku wada hadlay ergo ka kala socotay 3da gobol, waxaa laga dooday sida ay noqon doonto doorashada 2016ka.

Kulankan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Jimcaale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiraan Khalif Cabdi, guddoomiye ku xigeenka Shabeelada dhexe Abukar Xasan, Wakiilo ka socda hogaamiyaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, bulshada rayidka, haweeynka iyo dahlinyarada.

Kulanka oo labo maalin socday waxaa lagu gorfeeyay nooca hanaan doorasho ee 2016-ka iyadoo kasoo qeyb galayaasha loo qeybiyay dhowr koox.

Dadkii isugu yimid madasha ayaa u bataya nidaamka 4.5 oo ah habkii lagu doortay dowladda hadda jirta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Jimcaale oo shirka soo xiray kama hadlin go’aan rasmi ah ee goboladaas ku heshiiyeen, isgaoo ku baaqay in la khulaaseeyo dhamaan shaqadii iyo doodihii halkaas ka dhacay oo wixii laga soo saaro dib loogu soo celiyo.

Guddoomiye Yusuf Jimcaale waxaa mas’uuliyadda go’aanka madasha uu dusha ka saaray guddiga farsamada uu hogaaminayo nin lagu magacaabo saalax.

Yusuf Jimcaale oo ka hadlay 4.5 iyo in oday dhaqameed wax soo xulayo ee guuxa u badnaa waxaa sheegay in madasha ku doodeen in dhalinyaro, haweenka iyo culimada aanay ku jirin lakin Yusuf waxaa uu dhankiisa sheegay in Odayga uu soo dooran karo Dhalinyaro, Haween iyo Culimo.

Maamulka Puntland:

Kulammada looga arrinsanayo qaabka doorashada 2016ka ayaa ka furmay degmooyinka Galkacayo, Qardho, Boosaaso, Badhan iyo deegaanka Tukka-raq ee Maamulka Puntland waxaana ka qayb galay ergooyin dhan 600 oo ergay , kuwaas ka kala socda qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah ee deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay hadafka dowladda Puntland ee shirarka wadatashiga Soomaaliya ee Doorashooyinka 2016-ka wuxuu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo nidaamka 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda federaalka in markale lagu soo dhiso isagoo sheegay in Puntland ay danaynayso in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hab deegaan loo soo xulay, sidaas ayeyna ku dhamaatay ra’yiga reer Puntland.

Natiijada gobollada Puntland ayaa noqotay sida uu doonayey Madaxweynaha maamulka Cabdiweli Gaas ee nidaamka deegaannada.

Puntland ayaa shaacisay in shacabka gobolladaas 100% isku raaceen in doorashada 2016ka noqoto”DEEGAAN” oo degma walba ay yeelato tixgelin iyo xubin u matasha dowladda dhexe ee dalka.

Puntland waxaa ayaa meesha ka saartay macquulnimada in dib loogu laabto nidaamka 4.5 uu ku yimid Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Maamulka Galmudug:

Magaalada Cadaado waxaa ka dhacday dood socotay 3 maalmood, 150 qof ayaa isugu timid Cadaado, 115 ayaa dooratay 4.5 oo ah qabiil ka ballaariyay, go’aankaas ayaa lagu sheegay in go’aankaas u gaareen si iskood ah oo aanay faragalin uga imaamin maamulka Galmudug, sidaa waxaa madasha ka hor sheegay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulahi Axmed Jamac.

Wasiirka Cadaaladda ayaa ku amaanay sida qeybaha kala duwan ee Galmudug ay fikirkooda u dhiibteen isagoo balan qaaday in dowladda dhexe ay hor dhigi doonaan go’aanka reer Galmudug iyo sida ay u doonayaan in doorashada loo qabto sanadka 2016ka.

Maamulka Jubbaland:

Ergo badan isugu timid Kismaayo waxaa loo kala saaray kooxo kala duwan, kadib falanqeyn dheer kadib 4tii qodob waxaa ay ka doorteen oo isku raaceen “Heer Degmo” iyagoo ku sababeeyay in Xildhibaanka degmada laga soo doorto looga gudbi karin qabyaalada, waxaa fududaan karta la xisaabtanka Xildhibaanka ee dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha kale, waxa ay ku doodayaan in arrinkaas horseedi karo Cadaalad, xuquuq deegaaneed, is dhexgal, Sinaan, dib u heshiisiin iyo is afgarad bulsho iyo in ay dhamaato looma dhammo.

Jubbaland waxaa ay soo jeediyaan in deegaanka lagu saleeyo sababta waxaa ay leeyihiin waxaa imaanaya in degmooyinka ay isku dheeli tirmaan, taasi oo dhiirigalin karta in Xisbiyo sameysmaan iyo in wax loo qabto dhalinyarada, haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay.

Maamulka Koofur Galbeed:

Waxaa lagu qabtay Baydhabo shir wada tashi oo socday labo labo Maalin waxaa furay Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden, waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Ergada Madasha joogay waxaa lagu sheegay 150 ergo laakiin wararku waxaa ay sheegeen in ay ka badnaayeen, dood dheer kadib waxaa loo batay in doorashada noqoto nidaamka 4.5 oo nidaamkii qabaa’ilka hore oo la ballaariyay, sidaa waxaa madasha ka hor akhriyay wasiirka arrimaha gudaha ee Koofur Galbeed  Cabdiraxmaan Aadan.

 Ergada Somaliland:

Ergo ka badan 750 oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho , ergadan oo warsaxaafadeed soo saaray waxaa ay sheegeen in ay soo jeediyaan in iyadoo la tixgalinayo duruufaha iyo marxaladaha uu dalka marayo qaabka doorasho ay ugu haboon tahay midda ugu soo haboon, Midnimo qaran, xasilinta dalka, ilaalinta xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka, nabad kusoo dabaalinta dalka iyo suurtogalnimada qabsoomidda doorashada.

Ergadan ayaa warsaxaafadeedkooda ku sheegay arrin ka baxsan wixii shirka la isugu yimid iyagoo soo saaray go’aan ka yaabiyay Madasha wada tashiga.

Waxaa ay soo jeediyeen ergadii gobollada waqooyi ee Somaliland in federaalka uu ku saleysnaayo labadoo gobo lee isu yimid 1960kii ee ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

In ay Mataaladda shacabka ahaato saami qeybsi ku saleysan si siman oo 50/50 loo kala qaato, in fursad la siiyo masiirka shucuubka shuruurcda dalka eel agama maarmaanka ah qabsoomidda doorsho xor ah iyo dhismaha hay’adaha qaran iyo in Natiijo laga gaaro wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, in laga heshiiyo hiigsiga 2016 iyo sida doorasho u dhici karto iyagoo sheegay in reer Somaliland taladooda ay ku biirin doonaan sidii looga gudbi lahaa hiigsiga 2016ka.

Gunaanadkii shirarkaas waxaan caddeyn karnaa in natiijada ay noqotay sidan:

Puntland iyo Jubbaland waxay doorteen nidaam doorasho ku saleysan”Deegaan” halka Somaliland ay ku taliyeen nidaam cusub oo 50/50 ah Koofurta iyo waqooyiga dalka halka Muqdisho, Shabeelle, Hiiraan, Galmudug iyo Koofur Galbeed ay doorteen Nidaamka 4.5 ee lagu soo xulay dowladda hadda jirta.

Hadaba shirka lagu ballansan yahay December 15, 2015 waxaan iman doona Puntland iyo Jubbaland oo xambaarsan in degmo walba oo ka mid ah 92 degmo ee jiray sanadkii 1991 ayaa sameysanaya Ergo doorasho halka maamullada iyo deegaannada ka soo hartay ay doonayaan nidaamka 4.5 ee Ergo doorsho oo beel ku saleysan oo ah sidii lagu soo xulay 2012kii oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen Xildhibaanada iyo Somaliland oo dooneysa 50/50 ee 1960kii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warbixintan Waxaa soo ururiyay: Cabdi Caziz Gurbiye.