DF oo marmarsiyo u yeeshay sababta ay ula soo wareegi la’ dahay maamulka hawada SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – DFS ayaa ka hadashay dib u dhacyada ku imaanaya wareejintii la filaayay in lagu sameeyo Hawada Somalia.

Cali Jaamac Jingili oo ah Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Hawada sare ee Somalia ayaa sheegay in DFS ay wali dadaal ugu jirto qaabkii ay kula soo wareegi laheyd Hawada Somalia.

Cali Jaamac Jingili waxa uu sheegay in wax waliba oo kaa maqan helitaankooda ay kugu qaadaneyso wakhti badan waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay inay heli doonaan maamulka hawadooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in si wanaagsan ay u socoto howsha,islamarkaana xaruntii maamulka hawada sare dhismo uu ku socdo,shaqaalihii xaruntaasina iyagana sidoo kale tababar la siinayo.

Waxa uu tilmaamay in sababta maamulka Hawada loogu soo wareejin la’yahay Nairobi ay tahay cilad farsamo oo iyaga heysata, balse dhawaan lasoo gabagabeyn doono ciladaasi yar ee iminka taagan.

Cali Jaamac Jingili waxa uu ballanqaaday inaysan ka daali doonin ka hadalka nidaamka lagu soo wareejin lahaa Hawada Somalia, waxa uuna Madaxda ugu sareysa dalka ka codsaday in dhankooda ay xooga ka saaran sida Hawada Somalia looga maamuli lahaa Magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sareysa ee dalka ayaa dhawaan cadeeyay in DFS ay wado qorsho hawada Somalia looga maamuli lahaa Magaalada Muqdisho 20 sanno kadib.

DFS waxa ay sheegtay in QM oo hadda gacanta ku heysa hawada Somalia ay raali ka tahay in maamulka hawada ay usoo gacan galiso Dowlada Somalia.

RW CCC Sharmaarke oo ah Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa dhawaan dhagax dhigay xarunta dhismaha maamulka Hawada sare,waxaana uu sheegay in guul taariikhi u tahay Soomaaliya mudo sanado ah ka dib iney hantaan maamulka Hawada sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com