Rasaas xooGgan oo laga maqlayo GAALKACYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in goordhow halkaasi ay ka bilaabatay is rasaaseyn xoogan oo u dhexeysa Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland.

Rasaasta ayaa lasoo warinayaa inay ka socto xaafada Garsoor oo ah halka ay labada Ciidan isku horfadhiyaan, iyadoona rasaastaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Rasaasta la iswaydaarsanayay ayaa u badneyd qoryaha fudud taasi oo ku dhawaad saacad laga dhexmaqlaayay xaafada Garsoor.

Rasaasta ayaa waxaa bilaabay Ciidamada ku sugan koontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo aan ilaa iyo hadda la garaneynin sababta ka danbeysa in qadar yar un kadib ay rasaas ooda uga qaadan kuwa kasoo horjeeda.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo xiliga rasaasta ay bilaabaneysay ku sugnaa meel aan ka fogeyn fariisimaha Ciidamada Puntland.

Dhanka kale, rasaastaani ayaa bilaabatay xili wafdi uu hogaaminaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali uu ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo ku wajahan magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Garoowe, si xal uu ugu raadiyo dagaalka labada dhinac u dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com