Dhageyso: Hishiisiintii Galmudug & Puntland oo Burburtay iyo CC Sharmaarke oo Garowe jooga

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Mid kamid ah nabadoonada magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu burburay wadahadalkii u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka dhashay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Nabadoon Raage Maxamud Gaani oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa sheegay inuu fashilmay wadahadaladii ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

”Waanwaan waa wadnay maalmahaan waxaanaaan dawladda ka codsanay inaan anaga arrinka galno mudo waa nala sugayay sidaad ogtihiin wali wakhtiga dhowr jeer ayaa korarsanay intaasna waxaa sidaas u samaynaynay waxaa ay ahayd in nabad la helo walaalaheena Galmudug ayaana ka baxay nabadii aan wadnay” ayuu yiri nabadoonka.

Nabadoonka ayaa sheegay in shir ay la yeesheen dhanka Masuuliyiinta Puntland ee Gaalkacyo jooga ay gacanta ka galiyeen hawshii magaalada ayna u sheegeen inay kusoo guul daraysteen hawlihii nabadaynta oo maalmaha ay ku mashquulsanaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com