Sawirro: Qaar ka mid ah boholaha ugu halisaha badan oo ay ku dhuuntan DAACISH oo la arkay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka kurdishka ayaa soo bandhigay dhufeysyo ay lahaayen Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta dhanka waqooyi-galbeed Ciraaq ku beegan haalkasoo ay maamuli jireen mudo sanad ah.

Goobahaasi laga saaray Daacish ayaa waxaa lagu arkay Godod farabadan, dhagxaan waaweyn ah, Dhar jeejeexan iyo Hilbo aan la garaneynin waxa ay yihiin.

Daacish ayaa gododkaasi u isticmaaleysay qaab guri ahaan oo ay ku dhuuman jireen xiliyada dagaalka.

Boholaha ayaa waxaa dhexmara wadooyin farabadan oo isku furaayo dhowr jiho, kuwaasi oo ay ku baxsadaan xiliyada ay la kulmaan hujuumka.

Gudaha gododkaasi ayaa waxaa ku xirnaa leyrar oo ay Maleeshiyada Daacish ay u adeegsan jirtay u kala gooshida gododkaasi.

Sidoo kale boholadaasi waxaa laga dhex halay hub ay ka tageen Daacish iyo sidoo kale kutubka Quraanka.
G1

G2

G3

G4

G5

G6

G7

G8