Xog laga helay danbiyada loo haysto G/G Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Somalia C/fataax Xasan Afrax, ayaa lagu soo waramayaa in wali uu ku xiran yahay Xarunta guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Gudoomiyaha ayaa waxaa wali lagu hayaa baaritaano, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inuu cadeystay falkii Ciidamadiisa ay ku kharijiyeen Sargaal ka tirsanaa QM oo ka howlgali jiray Beledweyne.

Waxaa lasoo warinayaa inuu sheegay in dilka Sargaalkaasi ka hor ay kala dhexeysay xurguf, hayeeshee markii danbe ay dilka ku fuliyeen ilaaladiisa gaarka ah.

Ilo ku dhow dhow C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in qorshaha uusan aheyn in la dilo Sargaalkaasi balse amarka uu ahaa in lasoo qabto goortii uu diidayna sidaa lagu fuliyay dilka Sargaalka.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa la sheegayaa inay xiriir la sameysay Qoyska Sargaalka la dilay waxaana la soo warinayaa in qoyskaasi ay diiden in qaab hoose loo xaliyo dilka wiilkooda.

DFS ayaa ku kala qeybsantay xariga C/fataax Xasan Afrax, qaar waxa ay qabaan in cadaalada la horgeeyo bacdamaa arrintaani ay Fashil usoo hoyineyso DFS, halka qaarna ay ka qabaan in C/fataax Xasan Afrax Muqdisho lagu siihaayo inta laga xalinaayo muranka ka dhashay dilka Sargaalka.

Dhanka kale, warar kaasi ka duwan ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay madaxda Qaranka ku amartay in dib xoriyadiisa loo siiyo C/fataax Xasan Afrax si uu usii wato howlaha maamulka.

Ma cadda si ay DFS Somalia ka yeeli doonto arrintaani xiisada dhalisay, waxaana suuragal ah in C/fataax Xasan Afrax lasii daayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com