25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xisbiga haya talada dalka Ethiopia oo gudoomiye cusub u doortey nin Muslim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah.

Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.

Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News