Aragti fog: Maxaa la gudboon guddoomiye Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online)-Maanta waxaa laga joogaa laba asbuuc Mooshinkii Guddoomiye Jawaari, waxaana soo if baxaya khilaaf culus iyo kala aragti fogaan hareysay qeybaha iyo hoggaanada kala duwan ee Barlamaanka sida; Guddoonka, Guddiga Joogtada, Habdhowre-yaasha, Xoghaynta, Kutlooyinka iyo Kooxaha, Qabaa’ilka iyo Deegaanada, Xubnaha caadiga ah ee Golaha Shacabka iwm.
Iyada oo lagu kala aragti fogaaday:

Sharciyadda Mooshinka, Guddoonka Golaha, Waqtiga Mooshinka, Goobta iyo Qaabka Codeynta Mooshinka.

Shalay iyo Daraat waxaa soo baxay ilaa 10 Qoraal oo is burrinaysa, waxaana Saxaafada la hadlay ilaa 20 Xildhibaan oo is ka soo horjeeda, waxaana Xafiisyadii dawladda, Hoteeladii Muqdusho, Xarumihii Barlamaanka mashquuliyay Ololaha Mooshinka, waxaana dhacay ilaa 10 Qarax oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan, waxaana Qeyla-dhaan Qaran ka yeeraysaa DP World, Xuduuda Buula Xaawo, Aato iwm.

Gudoomiye Jawaari oo ka mid ah Mudanayaasha ugu da’da weyn Golaha Shacabka dalka iyo dawladda na ka soo qabtay xilal kala duwan ilaa 60 kii sano ee la soo dhaafay sida; Agaasime, Wasiir, La taliye, Guddiyo Qaran, Gudoomiye Barlamaan, Ku sime Madaxweyne iwm.

Waxa uuna kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha iyo habeynta Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, waxa uuna magac dheer iyo maamuus ku yeeshay gayiga Somaaliyeed oo dhan.

Haddii xaaladda maanta taagan uu guuleysto ama laga guuleysto waxaa hubaal ah; in dhaawac soo gaarayo midnimada, kalsoonida iyo wada shaqeynta qeybaha Barlamaanka iyo laamaha dawladda, isaga oo ku xusay jawaabtiisii Mooshinka, “in gacantiisa aan lagu bur-buri doonin Barlamaanka, laguna barbaariyey midnimo iyo dawlad jaceyl”.

Hadaba haddii aad Talo Wadani siin laheed! Maxaad kula Talin-laheed???

A-In uu is Casilo sida ay sameeyeen madax isaga ka horeysay ama ka danbeyn-doonta dunida, markii ay dareemeen in xilkooda iyo mas’uuliyadooda la isku haysto?

B-In uu Sharciga iyo Codeynta tago, sida uu xaqa u leeyahay, sharciguna u banneynayo?

C- In uu aqbalo dhex-dhexaadin, is af-garad iyo dib u heshiisiin dhex marta qeybaha Barlamaanka, Xukuumadda iyo Laamaha dawladda?.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)