Muqdisho oo marti galineysa shirar iska soo horjeeda iyo xildhibaanada oo lagu kala iibsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga dareemayaa ololo xoogan oo u dhexeeya Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshinka kawada.

Ololaha oo inta badan laga dareemayo magaalada Muqdisho, ayaa xooligiisa ka socda Hoteelada Muqdisho, kaa oo lagu kala qaadanaayo dhaqaale xoogan.

Ololaha ugu xooga badan ayaa xiligaan ka socda Hoteelada kala ah Jazeera, Hayat, SYL iyo Makka al-Mukarama, oo ay ku sugan yihiin Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa laga wado.

Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Guddoomiye Jawaari ayaa ololahooda laba jibaaray maadaama xiliga Codka loo qaadayo Jawaari ay ka harsan tahay wax ka yar Shan cisho.

Waxa ay Mooshin wadayaasha Hoteelada iyo Guryaha ku booqanayaan Xildhibaanada qaar ee Miisaanka ku dhex leh baarlamaanka si ay qeyb uga noqdaan Mooshinka.

Xubnaha ka tirsan baarlamaanka ee Hoggaaminaaya Mooshinka ayaa la sheegay in xitaa ay Hoteelada qaar dajinayaan Xildhibaanada Mooshinka wada, si aan loo duufsan, waxaana iminka la xaqiijiyay in tirada Mooshin wadayaasha ay mareyso 214 Xildhibaan oo gabi ahaan ka siman diidmada Jawaari.

Garabka Jawaari ee kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna wakhtiga ugu badan siinaaya kulamo joogta ah oo kadhaca Xarunta Villa Hargeysa, inkastoo qaarkood la sheegay inay taabacsan yihiin garabka Mooshinka, balse lagu dhex darsaday garabka Jawaari.

Xildhibaanada taabacsan Jawaari oo dhankooda kawada ololaha lagu badbaadinaayo Kursiga Jawaari ayaa waxaa soo foodsaartay dhaqaale xumi, kadib markii la sheegay in dhaqaalaha uu siinaayo Jawaari ay aad uga yartay tan ay bixinayaan Mooshin wadayaasha oo ka kaceysa 15,000 Kun oo dollar.

Labada garab ee ku dagaalamaaya Kursiga Jawaari ayaa midba midka kale ugu goodinaaya inay kaga guuleysan doonaan codeynta, waxaana aad usii yaraanaya mudada uga harsan xiliga loo qabtay codeynta.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada dhaqaale doonka ah ayaa ku jahwareersan halka ay ku bixin lahaayen codkooda, wallow ay sii kordhayaan kuwa kasoo horjeeda Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com