Xisbiga maamula Ethiopia ee EPRDF oo jawaab siiyey madaxweyne CABDI ILEY

Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa ay hadda jawaab ka timid xisbiga haya talada ee EPRDF.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga.

Haddaba BBC-da laanteeda Afka Amxaariga ayaa waxaa waraysi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxayna tiri.

“Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”.

Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr Saadaat madaxa arrimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuuna yiri “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”

Mustafa Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay deegaanka, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa BBC-da sidoo kale uga waramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yiri “midda koobaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay”, midda labaadna waxay tahay “Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.”

Mr Gatachew Asafe ayaa waxaa xilka ka qaaday Ra’isulwasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale.

Kama uusan jawaabin shaqsiyan eedeymaha uu madaxweynaha u jeediyay.

Xigasho: BBC Somali