Dagaal xooggan oo maanta MUQDISHO ku dhex maray ciidamo ka tirsan laba beel

Muqdisho (Caasimda Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo muddo kooban socday ayaa waxa uu si gaara ugu dhexeeyay ciidamo isugu jira Militeriga iyo Booliska, kaa oo ka dhacay waaxda liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Qeyb kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in hab qabiil uu u adeegsanaayay ganacsade uu muran kala dhexeeyay ciidamada kale, halka dhinaca kalena ay ka soo horjeeden ciidamada la watay.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 qof oo ka mid ah dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay dad kor u dhaafaya afar ruux oo ay ku jiraan ciidamada ay dirirtu u dhexeysa, waxaana iminka socda waan-waan lagu joojinaayo dagaalka u dhexeeya labada ciidan.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya dagaalada ka dhasha dhulalka oo ay ka qeybqaatan ciidamada Qaranka oo amniga ka hormariyay tooda gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com