Warbixin: Sheekh C/llaahi Maxamed Rooble oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa saakay waxa ay duleedka magalada Muqdisho ku dileyn nin Sheekh ah, kadib markii ay wadada u galeyn gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay gaari Noha ah, isla markaana ay rasaaseeyeen rag watay mootada loo yaqaano dhug dhugleyda, isla markaana ay baxsadeen.

“Isaga oo maraya meel u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa mootooyin lagu hor jaray gaarigii uu watay laguna rasaaseeyey, waxaa la saarnaa laba xaas uu qabay iyo walaalkiis, rag watay mooto dhugdhugledya ayaa wadada u galay weyna baxsadeen, wuxuu ahaa Sheekh ka tirsan culimada Suufiyada gaar ahaan qaadiriyada” ayuu yiri qof ka mid ah eheladiisa.

Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com