Dagaalka SOMALILAND iyo Puntland u dhaxeeya oo mar kale maanta billowday

Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxa uu bilowday kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dayeen inay ku siqaan halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen meydadka Afar askari oo labada dhinac ah iyo dhaawacyada lix ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaaray Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale, Saraakiisha kala hogaamineysa labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo, waxa ayna ciidamada Somaliland qireen inay khasaro xoogan u geysteen kuwa Puntland.

Geesta kale, dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada labada maamul ay weli yihiin kuwo isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com