Dowladdu ma 3 shirkadood dartood ayay kumanaan Somali ah u afduubeysaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xajku waa rukniga shanaad oo ay diinta Islaamku ku dhisan tahay waxaana uu waajib ku yahay qof walba oo Muslim ah ee awooda, sidaan wada ognahay boqlaal qof oo Soomaaliyeed  ayaa sanad walba   u diyaar garowday iney xajiyaan waxaana waqtigoodii sii dhaafinaya muran iyo isjiid jiid ay hormuud u tahay xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waligeed kama dhicin Soomaaliya oo dowlad ka dhisantahay in Xujeyda Soomaaliyeed waqtigan oo kale aan loo soo saarin dal ku galka ama  fiisaha Xajka, waxaana sabab u ah saddex shirkadood oo si aan sharci aheyn loogu daray nidaamkii xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn jiray iney ka dhoofaan Soomaaliya si ay u xajiyaan, waana shirkado la ogaaday iney xukuumadda ka dambeyso.

Shirkadaha lagu kala magacaabo  Ocean, Freedom iyo African Expreess ayaa lagu soo biiriyay shirkadaha Jubba iyo Daallo oo howlaha Xujeyda ku guda jiray in muddo ah,  waxaana ka hor yimid dowladda Sacuudiga oo sheegtay in aysan hadda qaabili karin shirkadahan cusub maadama la joogo  waqtigii ay dhoofi lahaayeen xujeyda.

Dowladda Soomaaliya wali go’aan cad kama aysan qaadan arimaha xajka ee taagan oo looga fadhiyay in ay maareyso maadaama boqolaal qof oo Soomaaliyeed sanad waliba xajiyaan, waxeyna u muuqataa in Xukuumadda ganacsi gaar ah ka leedahay saddexdan shirkadood ee la soo kordhiyay ee sababay dib u dhaca iyo tuhunka ah in aan Soomaaliya xaj laga aadin sanadkan.

Marka la eego danaha gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ujeedkeedu yahay in sanadkan in shirkadaha ay wadato lagu daro ama xajka la baajiyo, maadama laga rabay in shirkadaha cusub ay ku wargeliso in sacuudiga uu diiday heshiiska shirkado cusub oo Soomaaliya ka imanaya, waxaana si dar dar leh u socon lahaa howlaha xajka hadii loo dhaafi lahaa Jubba iyo Daallo oo shirkadaha cusub lagu soo biiriyay.

Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkado aan awood u lahayn in xajka ay u qaadaan dadka sidoo kalena ogolaansho ka haysan dowladda Sacuudiga  in qeyb laga siiyey daabulista dadka aadaya xajka, taas oo u guddigu sheegay in xukuumadda ka dambeyso iyadoo aan eegin nidaamka iyo habmaamulka u dagsan dowladda Sacuudiga.

Eex, qaraabakiil iyo musuq maasuq ayey guddigu sheegeen in shirkadahan loogu soo daray liiska oo laga rabay xukuumadda in shirkadaha duulimaadyada ay u  qabato tartan furan kuwooda daneenaya arimaha xajka iney ka shaqeeyaan.

Xildhibaan Cabdullahi Maxmaed Nuur oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in acmaashii waajibka ahayd ee xajka loo qal-qal geliyo raali gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah, waxaana la ogyahay  in Wasiirki labaad arrimahani  dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, taa oo banaanka keentay fadeexada musuq maasuq ee Ra’isul Wasaare Kheyre.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com