Xisbiga Xasan oo dhaliilay Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley xaflad ku qabtay xibsiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ee PDP, taasoo lagu weyneenaayo sannad guurradii labaad ee ka soo wareegtay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Intii ay xafladda socotay waxaa lagu soo bandhigay guulaha ay gaaray xisbigan tan iyo markii hoggaamiyahooda Xasan Sheekh uu xilka qabtay labo sanno ka hor iyo wax yaabaha uu hiigsanayo labada sanno ee u harsan.

Xoghayaha xisbiga PDP, Xamsa Cabdi Aar oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in xisbiga tan iyo markii ay xilka ugu sareeya dalka ay qabteen in uu gaaray guulo la taaban karo balse ay jiraan wax yaabo badan oo u harsan.

Mar uu ka hadlaayay guulaha ay gaareen xisbigooda gaar ahaan dowladda wuxuu sheegay in dowladda ay guulo la taaban karo ay ka sameesay dhinaca dibedda oo hadda safaarado la aqoonsan yahay ay ku lee dahay waddamada ugu weyn waaweyn adduunka sida USA iyo UK.

Wuxuu sheegay in xisbiga qorshaha uu lahaa ay ka mid tahay siddii ay talada dalka ula wareegi lahaayeen balse ay caqabad ku noqoto nidaamka wax lagu soo doorto imminka ee 4.5 taasoo ka hor timid yoolka uu lahaa xisbiga sida uu yiri.

Wuxuu sheegay haddii ay jiri lahayd nidaamka axsaabta in xisbiga dhammaan xilalka baarlamaanka, kan ra’iisal wasaaraha iyo xittaa guddoomiyaha baarlamaanka uu isaga soo xulan lahaa.

Dhaliilo uu u jeediyay xukuumadda

Xoghayaha xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda, Xamsa Cabdi Aar ayaa dhaliil u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna sheegay in sida ay hadda u wado maamul u sameenta dalka uu yahay mid qaldan.

Wuxuu tilmaamay xukuumadda in laga rabay marka hore in ay dib u heshiisiin u furto shacabka ku nool gobalada maamulka loo sameenaayo ka hor inta aan maamul loo dhisin.

Wuxuu sheegay in arrinta Jubbooyinka iyo tan koonfur galbeed ee muranka uu ka jirro in xukuumadda ay u martay xalkeeda dhabo qaldan sida uu yiri.;

Wuxuu sheegay oo kale haddii ay yihiin xisbiga PDP in ay u arkaan xukuumadda qaabka ay wax u wado qaab qaldan.

Si kastaba, hadalka xoghayaha xisbiga madaxweynaha ee PDP ayaa muujinaya in uu jirro khilaaf xooggan oo ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha oo isna dhawaan la weydiiyay bal in uu jirro khilaaf isaga iyo ra’iisal wasaaraha wuxuu si maldahan u yiri “Khilaaf ma jiro laakin aragti kala duwanaansho madaxda waa ay jirtaa waana arrin iska caaddi ah”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com