CABDI WELI oo si cabsi la’aan ah uga degay Baydhaba iyo Shirka oo furmay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goor dhow Magaalada Baydhaba gaaray Wafdi uu Hoggaaminaayay R/wasaaraha Somalia C/weli sheikh Axmed Max’ed, halkaasi uu maanta ka furmaayay shir dib u heshii sineed oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan koonfur galbeed Somalia.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa Socdaalkiisa Baydha ku wehliyay wasiiro iyo xildhibaano, waxaana Garoonka uga hortagay Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo muddo halkaasi u joogay Howlo shaqo.

Soo dhaweynta Ra’isulwasaaraha kadib, ayaa la sheegayaa in si toos ah Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigiisa loogu gudbiyay madasha uu shirka ka furmaayay.

Ra’isulwasaare C/weli ayaa furay shirka, waxaana la filayaa in Shirka uu socon doono  sida la sheegay 45-Cisho oo xiriir ah, si loosoo afjaro kala fogaanshaha Bulshada iyo qabaa’ilka halkaasi ku nool.

Dhanka kale, Ujeedka shirka ayaa la sheegay inuu yahay mid diirada lagu saari doono dib u heshii siinta iyo sidii xal dhab ah looga gaari lahaa habka maamul u sameynta koonfur galbeed Somalia.

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com