Ciidamada MUUNGAAB oo MUQDISHO isku farasaaray + Faah-Faahin buuxda

Muqdisho (Caasimada Online)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaayo Iska hor imaad maanta Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamo kawada tirsanaa kuwa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa waxa ay isku dagaaleen isgooska Sanca ee Magaalada Muqdisho kadib markii is afgaran waa uu soo dhax galay.

Inta la xaqiijiyay Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal askari oo kamid ahaa Ciidamada Mungaab, waxaana la sheegayaa in isku dhacooda uu ka bilowday kala shaki.

Sidoo kale, Isku dhaca ilaalada Gudoomiyaha Gobalka Mungaab, ayaa yimid kadib markii Maanta uu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay xili uu Maalmahani kumaqnaa Dalka Turkiga.

Dhanka kale, Guddoomiyaha, ayaan weli ka hadlin Isku dhacaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com