Warbixin: Madoobe Nuunow iyo Axmed Madoobe oo wada hadlay iyo ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa shaaciyay in uu wadahadal u socdo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Madoobe.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Bar-kulan ayuu sheegay Madoobe Nuunow in maamulkiisa uu billaabay in uu xiriir la sameeyo maamulada kale ee dalka ka dhisan sida maamulka Jubba.

Wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba uu u socdo wadahadal aan rasmi ah kaasoo looga hadlaayo dhismaha maamulka lixda gobal.

Madoobe Nuunow ayaa xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii uu sii dhammeestiri lahaa inta ka harsan isla markaana lagu baahin lahaa gobalada uu ka arrimiyo sida Jubbooyinka iyo Gedo.

Waa markii ugu horeeyay ee Madoobe Nuunow uu sheego in uu wadahadal u socdo maamulka Jubba.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa horey u qaadacay maamulka lixda gobal, waxaana ay ku tilmaameen dadka dhisay maamulkaas kuwa riyo ku jirra.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe balse wax aqoonsi aan siin maamulka Madoobe Nuunow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com