Xisbiga Sheekh Shariif oo dowlada uga guuleystay dacwadii ay kusoo oogeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa goordhow soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysaa in Maxkamadda ay galabta Documents-ka natiijada go’aanka ku wareejisay Qareenada Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh, madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Natiijada ayaa ka koobneed laba qodob oo kala ah:-

1 – In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista.

2 – Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado.

Lacagta loo xukmiyey xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay ku dhowaad 35,000 oo dollar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay maalinta berri ah soo saari doonaan bayaan ku saabsan go’aanka Maxkamadda kadib markii ay kulan isugu yimaadaan.

Kulankaan ayaa la qorsheynayaa in uu u dhaco qaab wicitaan Video ah, maadaama ay Xubnaha Xisbiga ku kala xayiran yihiin, Turkiga, Kenya, Soomaaliya iyo meelo kale.

Dhinaca kale, qareenka xisbiga Himilo Qaran, Axmed Maxamed Sheekh (Koofi) oo caawa wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa faah-faahiyey go’aanka maxkamadda sare ee dhankooda loo xukmiyey. Hoos ka dhageyso