Ma sahlaneyn in XAAF lala heshiisiiyo QOOR-QOOR

Hordhac

Aan ku billaabo’e Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanlintii  Isniinta taariikhduna ku beegneyd 6-da bisha Abriil 2020-ka, aya deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey, madaxweeynihii hore Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo kasoo amba baxay magaaladaGaalkacyo.

Dadaal mudooyinkii la soo dhaafay eey wadeen, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, kana soojeedaa deegaanka, oo lagu qancinayey Xaaf, si uu xilka u wareejiyo, ayaa miro dhalay, keeneyna in Xaaf iyo wafdi lasocda, kasoo ambabaxaan magaalada Gaalkacyo, iyagoo loo soo galbiyey dhinac magaalada Dhuusamareeb, oo wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug, ay labada dhinac ku yeesheen gudaha magaaladaasi.

Xalaal caleyk!

Sideedaba qofka awooda inuu xanaaqiisa, ciilkiisa, iyo xumaanta uu tabanayo dib u liqo, yiraahdana “Xalaal Caleyk”, oo heshiis gaaro, waa qof gob ah, maxaayeelay waa arin aad u qaraar laqideeda, qofkastana ma sameyn karo arintaa.

In Xaaf la heshiiyo Qoorqoor, waxeey aheyd arin aad u adag, hadii booska Xaaf dad badan joogi lahaayeena, aad beey ugu adkaan laheyd laheshiintiisa, sababteedana Qoorqoor ayaa leh, balse Xaaf waxaan u qirayaa, inuu yahay nin gob ah.

Intii Xaaf Madaxweeynaha ka ahaa Galmudug, Qoorqoor wuxuu Xaaf ku qaaday, dagaal nuuckastaba leh. Xitaa Qoorqoor dhaqaalihiisa shaqsiga ah ayuu ku bixiyey, siduu madaxtinimada Xaaf uga takhalusi lahaa, iyo siduu Xaaf meesha uga saari lahaa, waliba isagoo isticmaalaya, xiriirka dhow, ee uu Qoorqoor la laleeyahay, qeeybaha kala duwane dowlada,. Xaaf isagoo arintaa si buuxda ula socda, oo taariikhdaa ka dharagsan, ayuu hadana laheshiiyey Qoorqoor.Waloow dadku wada dhashay, Lana kala adkaado, ballaan-qaad dhaqaale iyo jagooyin dad loosiiyo, kaalin ku yeelan karaan, hadana ma aha arin cidkasta sameyn karto.

Qoorqoor wuxuu ahaa ninkii Baasto Cadaado geeyey, Hotelkiisa dajiyey, dhaqaale kumanaan kun ah ku bixiyey, abaabulka shirar ka dhan ah Xaaf, illaa khilaafkii uu basiinka kusii shubayay, wax xal ah laga gaari waayey, baarlamaankii labo u kala jabiyey, Baastana ka dhigay madaxweynaha Gal-Mudug ee qeybta Cadaado, waliba intaa kuma aanu hakane, ugu dambeyna ka ahaa caawiye(Catalyst) in Xaaf daaqada ka baxo. Waxaase arintaa Xaaf ugasii xanuun badan, isla ninkii dagaalkaa ku hayey, ayaa isla kursigiisii ku fariistay.

Dagaallada siyaasadeed ee nuucaa ah, badanaa lagama heshiiyo, waa lakala aarsadaa oo kaliya, mudo aad u dheer ayeyna socdaan, gaar ahaan kuwa mabda’a siyaasadeed ku qotoma. Waxaan garanayaa dagaalo midkan oo kale ah, oo dhex maray siyaasiyiin dhowr ah, wax heshiis ahna aan laga gaarin, illaa midkood god galayoo Aakhiro aaday, sida dagaalkii ka dhexeeyey Ex MD Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ex RW Prof. Cali Khaliif Galeyr, waloow kaasi kursi siyaasadeedoo shaqsi ah, eeysan isku heeysane, mabda’a siyaasadeed la isku heystay. Waxaa ka mid ahaa dagaalkii dhex maray Ex RW Farmaajo iyo Ex gudoomiye Baarlamaan Shariif Xasan, kan si aan caadi aheyn ayaa lookala aarsaday….. iyo kuwo kaloo fara badan.

Gabagabo

Xaaf oo la heshiiya Qoorqoor, Waxaa ku jirta danta dadka iyo deegaanka Gal-Mudug, waxaana u rajeeynayaa heshiis waara, midnmo xoog leh, wada-tashi iyo wax wada qabsasho daacad laga wada yahay, iyo waliba bashbash iyo barwaaqo.

Mahadsanidiin

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) – Waa dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com Minnesota-USA.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid