Maamulka gobolka Banaadir oo baaraya qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus.

Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas”. ayey tiri  Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir.

Hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa sida uu ku suura geli karo amarkan, maadaama ay jiraan dad ku geeriyooda meelo aan aheyn Isbitaalada, sida guryaha iyo meelo ka baxsan Muqdisho.

Guddoomiye Basmo ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood.

“Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel maanta naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo”, ayey tiri.

Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn “lama aasi karo qof meyd ah”.

waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah.

Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.