Xisbiga Sheekh SHARIIF oo war culus kasoo saaray arrin ay ku kacday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war culus soo saaray ayaa walaac ka muujiyay cadaadis uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso warbaahinta madaxa bananaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xisbiga uu diiwaangeliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka oo ay ku kacday dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu xisbigu sharci darro ku tilmaamay dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay ka horyimaadeen inta badan warbaahinta iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Hoose ka akhriso:

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa xayiraadaha iyo cadaadiska sii kordhaya ee ay la kulmayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sida uu qeexaayo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa 18aad iyo 32aad, warbaahinta iyo suxufiyiintuba waxay leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah oo uu si cad u dhowray Dastuurka KMG ah.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa xorriyatul qowlka, xuquuqda suxufiyiinta, iyo caqabadaha lagu hayo ururrada u dooda xorriyadda warbaahinta madaxa banana ee dalkeenna waa kuwo nasiib darro ah oo aan la aqbali karin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka iyo saxaafadda madaxa bannaan, sida dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka ee sida sharci darrada ah loo dhisay, iyadoo la baalmaray qaab dhismeedka ku qeexan qodobka 14aad ee Wax-ka Beddelka Xeerka Warbaahinta, sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay xayiraadda la saaray Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo xarigga soo laalaabtay ee suxufiyiinta loo geysanaayo. Falalka noocaan ah waxay wiiqayaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda madaxa bannaan ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo wacyi gelinta bulshada.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u xaqiijinayaa dhammaan suxufiyiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta dalkeenna inay yihiin tiirka dimuqraadiyadda, ayna kaalin sharfan ku leeyihiin dadaalka loogu jiro dowlad dhiska dalkeen, waxayna mudan yihiin in ay si xor ah u gutaan waajibaadkooda, mana la aqbali karo in xuquuqdooda dastuuriga ah la duudsiiyo.

Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha dowladda federaalka in ay ka daayaan cadaadiska iyo caburinta ay ku haayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo ururrada suxufiyiinta.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa isla markaana garab taaganyahay dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah kasoo qaatay dowladnimada aan maanta heysano, kuna soo shaqeeyay duruufo naf hurnimo xilli adag, waxaana alle ugu baryeynaa intii ku dhimatay halganka dowlad dhiska dalkeena inuu Jannadiisa ku irsaaqo, intii ku dhaawacantayna caafimaad sariic ah siiyo.

Dhammaad