Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad ayaa isu diiwaan-geliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.
Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii ugu horreysay loo doortay madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii sannadkii 2013-kii.
Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadii 2017, sanad kadib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uga digay inuu ka qeyb-galo doorashada “aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”.
Khilaaf ayaa soo kala dhex-galay labadooda kadib markii Axmadinejad uu si cad ugu dooday in la hubiyo awooda ugu dambaysa ee Khamenei.
2018, dhaleecayn naadir ah oo loo jeediyo Khamenei, ayuu Ahmadinejad u qoray isaga oo ugu baaqaya doorashooyin “xor ah”.
Si kastaba ha ahaatee, Ahmadinejad ayaa laga hortegi karaa inuu codbixinta ka qeyb-galo, maadaama Golaha Ilaalada Kacaanka ee Iran ay iyagu kala saari doonaan musharixiinta.
Golahan ayaa soo saari doonaan liiska kama dambeysta ah ee musharixiinta xaqa u leh inay tartamaan doorashada 11-ka Juun.
Reuters + Voa