Xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka baxay Madasha Xisbiyada Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isaga baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee ay dhowaan sameysteen xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeeda xukuumadda federaalka, sida uu xubin ka tirsan u xaqiijiyey Caasimada Online.

Go’aanka Xisbiga Wadajir ayaa yimid saacado kadib markii caawa ay soo shaac baxday in xisbiyada ay isku raaceen in hoggaanka Madasha loo doorto madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran.

Si kastaba, Xisbiga Wadajir ayaa la sheegay inuu kasoo horjeeday islamarkaana diidanaa in hoggaan loo sameeyo xisbiyada, kadibna markii la qaadan waayey talada ay soo jeediyeen ay go’aansadeen inay banaanka ka istaagaan.

Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay soo jeediyeen in la doorto isku-xire (Coordinator), islamarkaana aysan habbooneyn in guddoomiye ay yeeshaan maadaama aysan jirin mabda’ guud iyo siyaasad ay xisbiyada ku mideysan yihiin.

Qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga UPD oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dhowr maalmood ay isku dayayeen inay Cabdiraxmaan ku qanciyaan inuusan ka bixin isbahaysiga, balse uu ka diiday. Kulankii ugu dambeeyey ee la isku fahmi waayey ayaa dhacay shalay.

Waxay sheegeen in Cabdiraxmaan uu doonayey in isaga guddoomiye loo doorto, haddii aysan taasi dhaceynna aanba la yeelan guddoomiye, labadaas markii ay dhici weysana uu qaatay go’aanka uu kaga baxay Madasha.

Si kastaba, xubnaha Wadajir waxay sheegeen in taasi aysan jirin, balse waxa la isku qabtay tahay farsamo iyo qaabka loo wajahayo midnimada Xisbiyada, taasi oo sheegeen in meel qaldan lagu wado.

Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in maqnaanshaha Xisbiga Wadajir kaliya aysan wax badan soo kordhin doonin, maadaama dhammaan xisbiyada waa weyn ee dalka ay ku jiraan Madasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com