Xog: Loolan u dhaxeeyey xisbiyada mucaaradka ku ah DF oo lagu kala adkaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan muddo toddobaadyo ah u dhaxeeyay xisbiyada u midoobay xukuumadda talada haysa, kuna saabtaan hoggaanka Madashii ay dhisteen, ayaa ugu dambeyn soo geba-geboobay, sida ay ogaatay Caasimada online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in  Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay isku raaceen cidda hoggaamineysa kadib tanaasul ay sameeyeen qaarkood.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegay in loo tanaasulay, islamarkaana maalinta axadda ah loo dooran doono guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Qorshahaan ay xisbiyadu ku dooranayaan hoggaanka ay ku mideysanyihiin ayaa muddo soo jiitamayay, kadib markii la isku fahmi waayay cidda loo dooranayo iyo qaabka loo samaynayo madasha, iyadoo hoggaanka xisbiyada qaarna ay soo jeediyeen in aan la dooran guddoomiye ee la sameeyo oo kaliya xariiriye.

Hoggaamiyaasha seddaxda xisbi ee kala ah UDP, Wadajir iyo Himilo Qaran ayaa ku loolamayay qabashada guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Ilo xog ogaal u ah arintaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in haatan ay madaxda xisbiyadaas u tanaasuleen madaxweyne Sheikh Shariif, isla markaana ay doonayaan in laga dhigo guddoomiyaha Madasha ku mudeysanyihiin dhamaan xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

Maalmaha nasoo aadan ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa munaasabad looga dhawaaqi doono madashaas isbaheysiga ah, isla markaana uu guddoomiyaha ka noqa doono Shariif Sheikh Axmed hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhismaheeda la isku raacay kadib xiisaddii ka dhalatay duulimaadkii Sheekh Shariif ee dowladda hor-istaagtay inuu ku tago Kismaayo, taasi oo aad uga carreysiisay xisbiyada dalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com